SOMCABLE

Maraykanka: Dhul Gariir Ku Dhuftay Koonfurta Gobolka Alaska !

Wakaaladda Sahanka iyo Cilmi baadhista Dalka Maraykanka ayaa waxay shaacisay in dhul gariirka ku dhuftay Koonfurta Gobolka Alaska uu ahaa mid aad u sareeya isla markaana uu cabirkiisu ahaa 7 Rikhtar.

Dadka ku nool magaalo madaxda gobolkaasi ee Incroj ayaa dareemay dhul gariirkaasi, madaxda gobolkaasi ayaa iyaguna waxay xaqiijiyeen in aanay jirin haba yaraatee wax khasaare naf iyo maal ba ah oo dhul gariirkaasi sababay.

Madaxda gobolkaasi ayaa waxa kale oo ay sheegeen in dhul gariirkaasi sababay burburka waddooyin hawlbawle ah sidoo kalena waxa la fasaxay dhammaan shaqaalaha ka hawl gala gegida diyaaradaha ee Incroj iyo waliba shaqaalaha Jaamacada Alaska, wakaaladda Sahanka iyo Cilmi baadhista ee dalkaasi Maraykanka ayaa waxa kale oo ay sheegtay in dhul gariirkaasi sababi karo duufaano laxaad leh waxaana guud ahaan dadka ku dhaqan gobolkaasi la gaadhsiiyey digniino ku saabsan duufaanadaasi laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Gobolkaasi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply