SOMCABLE

Manhajka Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Darayo duruus Ardayda Dugsiyada Sare Lagu Barayo Waddaniyadda

Hargeysa, 7 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa markii u horreysay sheegtay in Manhajka Waxbarashada ee Fasallada Dugsiyada Sare lagu darayo Xiisad ku saabsan WADDANIYADDA, si Da’yarta Waxbarashada ku jirta loogu barbaariyo Dal jacayl.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdiqaadir Maxamuud (Dhego-weyne), ayaa soo bandhigay buug ka hadlaya Waddaniyadda, kaasi oo wax looga dhigi doono Ardayda Fasallada 1, 2,3 iyo Afraad ee Dugsiga sare.

Wasiir ku-xigeenka oo Shalay u warramay Telefiishanka HCTV ayaa yidhi “Wasaaradda Waxbarashadu waxay u diyaarisay Ardayda Fasallada Dugsiyada sare ee Form 1, form 2, form 3 iyo form 4 in lagu dhigto Waddaniyaddu waxay tahay iyo Waddaniyadda lafteedaba, waxaana la diyaariyey Buugaagtoodii, waana xiisad dhan loogu talo-galay in Ardaydu Qaadato.”

Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Dhulka Somaliland inta Macdan ku jirta, inta xoolo ah iyo inta Beero ah (way ku qoran yihiin), waxaana Buuggan diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland..”ayuu yidhi.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa doonaysa in Dhallinyarada Dalka lagu beero Dal jacayl, taasi oo qayb ka ah Qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee horumarinta Bulshada.

Leave a Reply