SOMCABLE

Madaxweynihii 41-aad Ee Maraykanka Oo Geeriyooday Isagoo 94 Jir Ah

USA, 2 Diseembar, 2018 (Himilo) – Madaxweynihii 41 aad ee dalka Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooda da’da 94 sano.

Bush ayaa geeriyooday saacadu markey aheyd 22:10 waqtiga Mareykanka Jimcihii doraad oo ku beegan, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Qoyskiisu.

Waxaa uu dalka Mareykanka Madaxweyne ka soo ahaa intii u dhaxeysa sanadkii 1989- 1993dii waxaana mas’uul ka tirsan Mareykanku sheegeen in si weyn looga naxay geeridiisa.

Xilliggii uu ka talinayay Mareykanka waxaa lagu tiriyaa markii uu soo afjarmay dagaalkii qaboobaa iyo dagaalkii ugu horreeyay uu Mareykanka ku qaaday madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen.

Sanidiihii u dambeeyay xaalad caafimaad darro ayuu la il darranaa, balse waxaa uu suurogashay inuu kasoo dhex muuqdo bulshada.

Bishii April,waxaa la geeyay Cisbitaal ,waxaana la sheegay inuu qabay xannuun dhanka dhiigga ah.

Xaaskiisa, Barbara ayaa toddobo bilood ka hor geeriyootay.

George Bush Jr oo isagana noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in aabihii uu geeriyooday isla-markaana sheegay inuu ahaa aabe wanaagsan oo lahaa dabeecad.

Bush ayaa siyaasadda  soo galay sannadkii 1964, ka dib markii uu bilaabay ganacsiga  saliidda ee Texan, isaga oo 40 sano jir ah ayuu Noqday taajir.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply