SOMCABLE

Madaxweyne Wasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe Waxay U Muuqdaan ‘Maxay Ku Jigi, Maxayse Ka Jaqi..?

Madaxweyne, Dalka waxa ka saari dhibaatada dhaqaale ee Sicir-bararka iyo kobcinta
dhaqaale waa W. Beeraha, W. Ganacsiga, W. Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Rugta
Ganacsiga Somaliland iyo Ganacsatada guud ee Dalka, oo ay hormood u noqdaan
Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe.
Haddaba Mudane Madaxweyne, Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe waxaynu uga
fadhinaa waa dejinta Qorshaha iyo hoggaaminta hawl-galka kobcinta Dhaqaalaha Dalka iyo
kor u qaadista qiimaha Lacagta Waddanka, la dagaalanka Sicir-bararka Lacagaha
Shisheeye ku hayaan nolosha Daruuriga ah ee Shacabka Somaliland, sidaasi awgeed
Mudane Madaxweyne Anigoo kugu Hambalyeynaya tallaabada koowaad ee Xukuumaddu
ku joojisay Adeegyada Macmalka ah ee E-DAHAB iyo ZAAD oo ah Mushkiladda koowaad
ee Sicir-bararka Saldhigga u ahayd, waxa Madaxweyne waajib kugu ah inaad qiimayn iyo
dib u eegis ku samayso labada Hay’adood ee hoggaanka u ah hawl-galka kobcinta
dhaqaalaha iyo tayaynta Lacagta Waddanka, kuwaasi oo ah Wasaaradda Maaliyadda iyo
Baanka dhexe, waxaana ka muuqda labadaa Hay’adood hal ku-dheggii ama Murtidii uu
Ninka geelleyda ahaa ugu tawaawacay Waraabihii Hashiisa Candhada goostay, Nirigtiina
Faruuryaha goostay, Ninkaas oo yidhi ‘‘maxay ku jiqi, maxayse ka jaqi’. Sidaasi awgeed,
Mudane Madaxweyne si looga midho-dhaliyo Barnaamijkan kobcinta dhaqaalaha 4oh awl-
bowle u ah Dawladda iyo Shacabka Somaliland, waxa waajib ah in aanad sugin fashilaad
ku timaadda fulinta Barnaamijkan Kobcinta Dhaqaalaha, isla-markaana Wasaaradda
Maaliyadda iyo Baanka dhexe oo saamayn weyn ku leh Dhaqaalaha iyo nolosha Shacabka
waa inaad u xushaa Rag khibrad iyo Aqoon ahaanba hoggaamin kara, haddiise
Madaxweyne aad tixgeliso dhaqankeena Qabaliga ee ah ‘kani wuxuu la dhashay Mujaahid,
kanna waxa ii keenay siyaasi igu culus’ Madaxweyne waxa buraya Sinnaantii iyo
Cadaaladdii aad Kitaabka Kariimka ah ugu dhaaratay.
Sidaasi awgeed, Madaxweyne waxaan ku soo koobayaa Talo-gudbintaydan waxa Danta
Shacabka iyo Qaranka Somaliland ilaalintiisa loo doortay waa Adiga oo ah Madaxweyne
Biixi.
Wa billaahi Towfiiq
Allaah Mahad leh
Qalinka: Mowliid Aadan Cumar
Tell: 063 4410898

Leave a Reply