SOMCABLE

Marwo Ka War Bixisay Saygeeda Oo Qudha Ka Jaray Gabadh Yar Oo Ay Dhaleen !

Dhacdo aad u layaab badan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Al-axsa ee Dalka
Sucuudiga.
Aabo ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxa uu si badheedh ah u dilay gabadh yar oo uu
dhalay, gabadhaasi yar oo dhigan jirtay fasalka Saddexaad.
Hooyada dhashay gabadhaasi yar ee Aabaheed dilay ayaa waxay ka warrantay qaabka uu
saygeedu uu qudha uga jaray gabadhoodii yareyd waxaanay tidhi, “Sayigaygu waxa uu
bilaabay inuu gabadhaasi yar dhirbaaxo iyo laad la dhaco, intaasi kadibna dhulka ayey ku
dhacday, balse sidaasi kumuu dayn ee markii ay dhulka ku dhacdayna ayuu kala daba
tagay waxaanu kaga istaagay beerka iyo laabta iyo caloosha sababta uu ku dilayna waa
diidmo ay diiday gabadhaydii yarayd inay guriga nadiifiso”.
Gabdhaasi yar ayaa waxay da'deedu ahayd sideed jir waxaana la sheegay in waalidkeed
uu had iyo jeer jidh dilli jiray si aad u xuna uu u garaaci jiray ugu dambayna ay gacantiisa ku
baxday.

Leave a Reply