SOMCABLE

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Colaad Hor Leh Kaga Dhawaaqay Buuhoodle Oo Uu Dhuumasho Ku Tagay

Buuhoodle (Himilo) – Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay ayaa Maanta si Dhuumasho ku tagay Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, halkaasi oo ay Deggan yihiin Dad ay Ehel yihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qaar ka mid ah Dadweynaha Reer Buuhoodle kula hadlay Meel Fagaare ah, ayaa ka hadlay Dagaalka u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland, waxaanu sheegay in aanay jirin wax Xidhiidh ah oo dhex mari kara Somaliland, isagoo intaa ku daray inay sii wadayaan Dagaalka ay kula jiraan Somaliland ee Dhowrka jeer ka dhacay Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool.

Eng. Camey oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan caddaynayaa in aanaan Maamulkaas (Somaliland) wax xidhiidh ah iyo wax wacdiya iyo wax naga dhexeeyaa aanu jirin, islaamnimo iyo derisnimo aan ka ahayn..”

Camey

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu iclaamiyey colaad hor leh, wallow dhowr jeer Ciidammada Maamulkiisa Puntland lagu jebiyey Dagaalladii ka dhacay Tuke-raq “Waxaan maqlaa kuwa beesha caalamka oo wax wadwada oo leh dib baa loo rarayaa (Ciidammada Somaliland) waar meesha la yidhaahdo Tukaraq, Gambadhe, Yagoori, Oog iyo Guumays waxay noo kala duwan yihiin ma jirto, waxaanu yeeli doono ama yeelayno maaha” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Puntland waxay ballan-qaadaysaa Anigoo Madaxwene ku-xigeenkeedii ah in ay dagaalka wadayso inta dhulka laga xoraynayo oo aanu Dagaalkaasi istaagayn..”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa tagay Buuhoodle oo ay deggan yihiin Dad ay isku hayb yihiin, si uu taageero ugu raadiyo dagaalka Puntland ku doonayso inay dib ugu qabsato Tuke-raq oo ka mid ah Dhulka Somaliland isla-markaana Ciidammada Qaranka Somaliland dhawaan ka qabsadeen kuwa Puntland. 

Gobollada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag ayaa ka mid ah Dhulka Somaliland, balse Maamulka Puntland ayaa Mulkiyaddooda ku dooda, iyagoo adeegsanaya Qaacidada ah ‘Waxa Deggan Dad ay isku Hayb yihiin Dadweynaha Puntland’ dooddaasi oo khalad ah marka la eego Sharciga Xuduudaha ee Dalalka Adduunka.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply