SOMCABLE

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Wersheda Sameynta Caagaga Oo Laga Hirgeliyey Caasimada Somaliland

Hargeysa, (Himilo)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Wersheda samaynta Caagaga (TAYO PLACTIC FACTORY) oo laga  hirgeliyey  Bariga Caasimadda Hagreysa, taasi oo buuxin doonta kaalintii Agabka caagaga oo dalka dibadiisa laga soo waaridi jiray bulshaduna baahi badan u qabeen.

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah furaayey Wershedaasi  ayaa lagu qabtay Xarunta Wershedaasi waxaana  goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershedaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Deeqa Cabdi Yuusuf.

Ugu Horreyntiina  waxa halkaasi hadal ka jeediyey maamulka iyo masuuliyiita Wershedaasi cusub kuwaasoo si faahfaahsan uga sheekeeyey, faa’iidada ay dalka u leedahay Wershadan cusub ee lagu magacaabo (TAYO PLASTIC FACTORY) waxaana ay xuseen inay guud ahaanba dalka ka haqab tiri-doonaan weelka caaga ah nooc kasta oo uu ahaadaba, sidoo kalena laga maarmi doono Caagii laga soo dhoofin jiray Waddamada jaarka ah, waxa kale oo ay shaaca ka qaadeen in Wershadoodu ay dib u habayn ku samayn doonto  guud ahaanba caaga la isticmaalo kaasi oo dib loo cusboonaysiin doono.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane, Maxamuud Xasan Sacad oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa hambalyeeyey Wershada cusub, waxaana uu  soo dhaweeyey guud ahaanba Wershadlayda dalka oo ah lafdhabarta Horumarka Waddanka.

Madadxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi  Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii munaasibadaasi soo xidhay ayaa soo dhaweeyey Wershada cusub una rajeeyey inay dalka wax badan ka tari doonaan, waxaana uu kula dardaarmay shirkada Tayo iyo kuwa kale ee dalka ka jiraba ay ku horumaraan maamul wanaag iyo fulinta wixii lagu heshiiyey, sidoo kalena ku dhaqmaan nidaam Xisaabeed daah furan, dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay in Wershaduhu kaalin mug weyn ugu fadhiyaan Qaranka Somaliland ka xukuumad ahaana ay ay soo dhaweynayaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply