SOMCABLE

Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Daah-Furay Mashruuc Wax Loogu Qabanayo Qaxoontiga Somaliland Ee Ka Soo Noqonaya Dalka Dibeddiisa

Hargeysa, 25 Abriil, 2018 (Himilo) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay daahfuray mashruuc la doonayo
in wax loogu qabto dadka reer Somaliland ee qaxoontiga ku ah waddamada dibedda sida
Dalalka Yurub ee aan weli sharci la siin ee doonaya in ay iskood ugu soo noqdaan
dalkooda hooyo.
Munaasibad mashruucaasi lagu daah-furayay ayaa lagu qabtay caasimadda Hargeysa,
waxaana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan
Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga
mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka
Xuseen Ibraahin Buuni, saraakiil ka socday Hay’adda IOM iyo laanta Socdaalka Somaliland
iyo marti sharaf kale.
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil
Sayli oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay faa’iidada iyo

fursadaha uu mashruucani u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland ee duruufaha iyo
dhibaatooyinku ku haystaan dalka dibeddiisa.
Madaxweynu ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mashruucan cusub
oo wax loogu qabanayo dadka ku dhibaataysan dalka dibadiisa ama dadka Somaliland
jooga ee qaxoontiga ah ee dib loogu celiaayo dalkooda, in maanta ay inaga caawinaayaan
Midowga Yurub oo kharash ku bixinaysa iyo hay’adda IOM oo fulinaysa.”
Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu intaasi ku daray “Mashruucani muddo dheer ayuu
soo socday oo aanu ka wada-hadlaynay hay’adahan iyo dawlado kale ba sida loo soo
celinayo dadkaas oo ikhtiyaarkooda ugu soo noqonaya dalka, kuwaas oo dhibaatooyinka
kala kulmay halkaas ama sharcigu ku adkaaday ama iyagu jeclaystay in ay waddankooda
ku soo noqdaan, xiliyadii hore waxa la soo celin jiray qofka oo aan haysan dhaqaale ama
kharash u saamaxaaya in uu dalka iskii ugu soo laabto marka anagu ka xukuumad ahaan
waanu soo dhawaynaynaa mashruucan iyo dadka soo noqonaayaba. waxa kale oo jira dad
iyaguna qaxoonti ah oo Somaliland ku sugan oo rabana in dalkoodii lagu celiyo, kuwaasna
mashruucani wax ayuu u qabanayaa.”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xuseen Ibraahin (Buuni)
ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Annagu  waxa aanu ka soo qayb
qaadanay qorshaynta mashruucan, dadka ka faa’iidaysanayaa waa laba qaybood oo ah
kuwii dalka ka qaxay waayadii hore ee dalkooda raba in ay ku soo laabtaan iyo kuwii
tahriibay ee wadamada sida Talyaaniga iyo meelo kale oo ka mid ah Yurub u shaqo tegay
balse sawirkii ay ka haysteen mid ka duwan uu kags soo baxay.”
Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Axmed
Maxamed (Xinnif) oo isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka war bixiyay
faa’iidada mashrucani u leeyahay dadka reer Somaliland ee wadamada dibada ka soo
laabanaaya, waxaanu yidhi “Mashruucan oo ay maal galinayso Midawga Yurub (EU), isla
markaana ay fulinayso Hay’adda IOM, muddo ayuu soo socday, anuguna ka hay’ad ahaan
anaga ayaa u xil saran arimahaas oo qaranka u qaablisan. Dadka soo noqonaya waa laba
qaybood oo ah kuwii dalka ka qaxay wakhtiyadii colaadihii oo si iskood ah iyada oo aanay
cidina khasbin raba in ay ku soo noqdaan dalkoodii iyo kuwii tahriibay ee ku cadiban
wadamo ka mid ah Africa”
Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Axmed
Maxamed (Xinnif), waxa uu intaasi raaciyay “Mashruucan dadka ka faa’iidaysanayaa waxa
ay noqon doonaan dad dhibaato haysato oo looga hiilinaayo ama laga caawinayo, anagu ka
hay’ad ahaan   hore ayaanu uga wada hadalay hay’addaasi iyo sida wax loogu qabanaayo
dadka dib loo soo celinayo. waa dad reer Somaliland ah oo kaliya. annaguna masuuliyadda
kuwaas uun baanu u haynaa, dadkaas inta aan la soo celinin waxa aanu hay’ada heshiis ku
nahay in ay dadkaas warkooda noo keenaan, magacyadooda, halka ay deganyihiin,
ehelada dadkooda si aanu wax uga waydiino dadkaasi ma yihiin dad eheladiina ah raalise
iyagu ma ku yihiin in ay soo noqdaan.”
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Mr. Mack oo ka socday hay’adda IOM iyo
Mr Anders, oo isna ka socday EU, waxayna ka wareameen sida mashruucaasi wax wayan
uu uga taraayo baahiyaha dadka qaxoontiga ah.

Leave a Reply