SOMCABLE

Madaxweyne Geelle Oo Maanta Xadhigga Ka Jaraya Safaarad Jabuuti Ka Dhisatay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, (Himilo) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay weheliyaan golahooda wasiirrada ayaa kulan laba geesood ah ku qaatay xaruunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, ka dib socdaal Madaxweyne Geelle iyo Wasiirrada Xukuumaddiisu Shalay ku tageen halkaasi.

Waxayna labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada waddan ee la xidhiidha dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay “kulankan inuu yahay kulan taariikhi ah oo ka tarjumayo xidhiidhka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah, “Waa inaan xoojinnaa iskaashiga dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga, arrinta ugu muhiimsanna ay tahay arrinta Amniga ee la dagaallanka qolooyinka argagixisada ah” ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo oo mahad gaar ah u soo jeediyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida uu u hggaamiyo hoggaaminta la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu dhankiisa ka sheegay “inuu farriin walaaltinimo, hambalya iyo dhiirragelinba uu ka wado shacabka reer Jabuuti “Dadweynaheennana waxay jecel yihiin inaan iskaashiga sii kordhino, si dhib iyo dheefba inaan isku duubnaanno, annaguna had iyo jeer wehel ayaan idiin nahay..” ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha Jabuuti.

Sida ka muuqatay hadallada labada Madaxweyne ay wadahadalka isku dhaafsanayeen ay ku qotomeen sidii xidhiidhka labada dal loo sii xoojin lahaa.

Wefdiga sare uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho laba maalmood ah ku joogi doona dalka Soomaaliya waxaa la filayaa iney xadhigga ka jari doonaan dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti oo Muqdisho laga dhisay.

Waxayna la kulmi doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka tirsan AMISOM oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ee loo yaqaanno ‘Hiil Walaal’.

Wefdiga uu horkacayo Madaxweyne Geelle waxaa ka mid ah Xildhibaanno, Wasiirro iyo la taliyeyaal Ciidan.

Wafdiga Geelle waxaa ka soo horreeyey oo magaalada Muqdisho soo gaaray fannaaniin caan ah oo ay dalka Soomaaliya ugu dambeysay tani iyo marki ay dhacday dowladdi Maxamed Siyaad Barre 1991-kii.

Waxaana Fannaaniintaasi caanka ah ka mid ahaa Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo uu wehliyo fannaanka Cawaale Aadan iyaga oo si weyn loo soo dhaweeyey.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply