SOMCABLE

Madaxweyne Biixi Oo Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo WADDANI U Kala Diray Farriimo Bogaadin Iyo Baaq Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Dareen Celiyey  

“Waa Maalin Aanay Xisbiyadu Isu Muuqan Oo Ay Qaranimadu Ka Weyn Tahay. Joogisteyda 18-Ka May Ma Xalaalaynayso Xuskeeda, Maqnaanshiiyahayguna Xaaraantimeyn Maayo!..”-Cirro

Hargeysa, 19 May, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku bogaadiyey Xisbiga Ucid kaalinta uu kaga jiro qabsoomida doorashooyinka la filayo dhammaadka sanadkan, halka uu Xisbiga Waddani na ugu baaqay inay ka soo qayb galaan.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayaa ayaa ugu horreyn ka warramay ahmiyadda ay doorashooyinku leeyihiin, waxaanu yidhi ”Sida aad la socotaan, Qaranka Somaliland waxa uu ku dhismayaa doorashooyinka oo wakhtigoodii lagu qabto, Dib-u-dhaca doorashooyinku waa dhibaato siyaasadeed oo wiiqi karta geedi socodka dimuqraadiyada iyo midnimadeenna.

Mudnaantu waa in aan ka baxno qabyaaladda iyo Goboleysiga oo aynu dhisno Qaran dimuqraadi ah oo isku maamula doorasho xor iyo xalaal ah.

Labada doorasho ee isku sidkan ee sannadkan dabayaaqadiisa qorshaysan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeer ba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee mucaaridka ah ee ay ka dalbadeen ee ahaa in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu ka tanaasulaan oo ay ka dhegaystaan oo aheyd, In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo lagu daro laba xubnood mustaqbalka dhow, iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka, waxannu aqbalnay Komishanka cusub ee la dooranayo waqtigii la dooranayey lasoo hormariyo oo bisha Siddeedaad kowdeeda la bilaabo magacaabiddooda, waxanu aqbalnay in Komishanka cusubi uu qabto doorashooyinka marka kii hore waqtigoodii dhammaado, waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto, Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waa u diyaar in ay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigoodii.”.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo bogaadin u diray Xisbiga Ucid, ”Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa oo aanu bogaadinaynaa Xisbiga Ucid oo ahaa Xisbigii noogu dooda adkaa ee waxaasi oo dhan na ogoleysiiyey oo ka qayb qaadanaya doorashada u mudeysan bisha kow iyo tobnaad haddii ALLE yidhaa, markaa aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa geesinnimadooda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu baaq u diray Xisbiga Waddani, ”Waxaan ugu baaqayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ah Xisbi Qaran oo sharaf iyo karaamo naga mudan isaga iyo taageerayaashiisuba, walaalayaal waa inaad doorashada ka soo qayb gashaan, wax kasta oo aad naga codsateen waanu dhameynay, gaar ahaana Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si gaar ah u diiddan doorashada, waxannu leenahay waxay dantu ku jirtaa in taageerayaashaadu kasoo qaybgalaan meelaha looga taliyo qaranka ee doorashooyinka goleyaasha Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Waxa kale oo aannu ku dhiirrinaynaa guddoomiyaha xisbiga sharafta mudan ee WADDANI inuu mar kaliya kasoo qaybgalo maalinta sannad-guurada 18-ka May”.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay hadalka ka soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha xuska 18-ka May.

Gudoomiye Cirro waxa uu qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook uu kaga hadlay maqnaanshaha uu kaga baaqday xuska munaasibada 18-ka May oo shalay lagu qabtay caasimada Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waa maalin aanay xisbiyadu isu muuqan oo ay qaranimadu ka weyn tahay. Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo!, Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn.

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

GUUL & GOBANNIMO”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply