SOMCABLE

Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis, Isku Beddel iyo Magacaabis Masuuliyiin Cusub Ku Sameeyey Xubnaha Golaha Wasiirada

Hargeysa, (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xil ka qaadis, isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey xubnaha Golaha Wasiiradda.

Sidaana waxa lagu cadeeyey War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada oo soo gaadhay Wargeyska Himilo oo u dhignaa sidan:-

 

                                                                                                        Taariikh:  01/12/2019

WAREEGTO MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.

Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku:  Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

 

Ujeeddo: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

 

Tir. Magaca Xilka
1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha
6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada
7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply