SOMCABLE

Madaxweyne Biixi Oo Ka Soo Laabtay Socdaalkii Afrikada Galbeed Ee Ay Soomaaliya Saska Ka Qaaday Oo Si Diiran Dalka Loogu Soo Dhaweeyey

Hargeysa, (Himilo)-Madaxweynaha JSL iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka hawleed maalmihii u danbeeyey ugu maqnaa dalka Gini ee ku yaalla Galbeed Afrika ayaa dalka dib ugu soo guryo noqday oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Socdaalkan uu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagey dalkaasi ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey, sidaasi awgeedna Dalka Soomaaliya ayaa cadho iyo caddaawad ba’an ka muujiyey oo isla markiiba xidhiidhkiiba u jaray dalkaasi Gini oo haba yaraatee aanu xidhiidh hore uga dhaxeyn, arrintaasi ayaa waxa kale oo ay sababtay in dadweynaha, Golayaasha, iyo Xisbiya Somaliland ay u midoobeen, iyagoo si wada jir ah dalka ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWEYNTA MADAXWEYNAHA

DAAWO Faysal Cali Waraabe

HALKAN KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply