SOMCABLE

Madaxweyne Biixi Oo Guurtida Iyo Axsaabta Ka Codsaday Magacaabista Xubnaha Cusub Ee Guddida Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Iyo Axsaabta Xisbiyada Oo Ka Wada Hadlay Sidii Loo Sii Amba Qaadi Lahaa Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran Ee Qabsoomida Doorashooyinka

Hargeysa, 27 August, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha JSL iyo Madaxda sare ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa shalay yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga wada hadlayaan heshiiskii saddexda Xisbi Qaran ee qabsoomida Doorashooyinka ee dhawaan Golaha Wakiilladu laaleen.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo waxaanu u dhignaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda Axsaabta Qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda Xisbi Qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay hore ba warbaahinta uga sheegeen.

Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiilladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda Xisbi Qaran, haddana mar haddii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay Madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xilligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano, sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada Xisbi Qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay hore ba saddexda Xisbi Qaran ugu heshiiyeen.

Madaxweynuhu wuxuu labada Xisbi Qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey Axsaabta Qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu si cad u ballan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda Xisbi gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiillada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka Qaranka doorashada ka dib.

Kulankaasi waxa uu ku dhammaaday jewi degan, waxaanu Madaxweynuhu mar kale ka codsaday Axsaabta Qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey Axsaabta Qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 Axsaabta Qaranka iyo golaha Guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka Qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply