SOMCABLE

Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Ula Hadlay Dawladda Soomaaliya, Mar Kalena Gaashaanka Ku Dhuftay Wada Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa, 01 Dec, 2018 (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo gaashaanka ku dhuftay inay Somaliland iyo Soomaaliya isugu yimaadaan Wada hadal lagu raadinayo Midnimo, waxaanu sheegay inay isugu iman karaan oo keliya wada hadal ay ku garnaqsanayaan oo keliya.

Madaxweyne Biixi waxa uu ugu horreyn jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Safarkii aynnu galnay iyo midnimadaa Somaliland cadowgeedu ma uu filaynin inay Somaliland marka ay qaran-nimada tahay isku mid tahay, iyadu dhexdeeda ay ka dooddo, laakiin qaranka iyo hawlihiisa iyo dalka ay u midaysan tahay, taasina waxay kalliftay in dawladda Xamar muddadii aynnu wareegaynay ay laba goor hadlaan oo Golahooda dhexe dorraad ayuu fadhiistay oo waxay yidhaahdeen wada hadaladii Soomaali dib loogu mideynayey ayaa la ambaqaadayaa, oo Somaliland waxa loola hadlayaa si Soomaali loo mideeyo, waxaana weeyi haddii Gu mooyee aanu garaad ba ku kordheyn”, waxaanu intaasi ku daray, “Qoladaa Xamar ku shirtay ee Wasiirada ahna waxaan leeyahay soddon sano oo heegan, dagaal, muran, dood iyo toban sano oo halgan ahaa iyo waliba 27sanadood oo Somaliland xor aheyd,  markaa ninka yidhi waxaan u shirayaa inaan soo celiyo caqli ma leh oo garasho maaha”.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu ka hadlay aragtida uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qabo Somaliland, “Madaxweynahoogu wuxuu yidhi kolba Ninkii Soomaaliya neceb ayaa cadowgeeda u taga oo hub ka qaata oo yidhaa Somaliland ha go’do, markaa aad baan ula yaabay caqli gaabnidiisa oo waxa uu ka fikirayaa waddadii hore ee Siyaad Barre ka fikirayey 1988kii oo aheyd markii dimuqraadiyad laga waayay ee jabhadihii qoriga qaateen ee ahaa Saylac ilaa Kismaayo, taasoo uu kaga jawaabay intuu u tegay Mingistigii Itoobiya oo ayuu ku yidhi Jabhadaha waa laygu soo dirayaa ee iga qabo waxaad doonto waan kuu soo saxeexayaaye, balse Siyaad iyo Mingiste oo Addis-abbaba ku wada caweynaya ayey SNM soo gashay oo qabsatay dalkeedii, caqli laawe wixii dhacay haddii aanad ogtahay maad tidhaahdeen Soomaali ayaan dib u mideynayaa ee Soomaali Diinta, Afka, Dhaqanka, Ganacsiga iyo wax wada qabsiga ayey ka mideysan tahay, laakiin talada iyo maamulka ayey ku kala duwan tahay oo caalamku waa caynkaa, markaa Somaliland shir aynaan ku kala baxayn oo aynaan ku kala garnaqsanayn oo wixii na gaadhay aynaan kaga wada hadlayn oo aan mag-dhawgeedii laga bixinayn mooyee ee isugu iman mayno mid kale, markaa waxaynu wada hadli doonaa marka aad mideyso Xamar iyo Gobollada Soomaaliya, waayo Xamar ayaad garaacaysaa oo aad dadka ku laynaysaa iyadoo Ajanabi ku ilaaliyo”.

Intaasi kadibna, Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay qaabka ay Somaliland arrintaasi u wajahayso, “Somaliland ahaan dalkeena ayeynu dhisanaynaa oo horumarkeena ayeynu ka shaqaynaynaa oo nin waliba isaga ayaa inoo baahan oo hadda ba caalamka oo dhami wuu inala joogaa qaarkoodna way soo socdaan”.

Ugu dambayntiina, Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay sida loogu soo dhaweeyey Caasimada, “Waxaan aad ugu farxay waxa naga hor yimmi iskaashatada Gaadiidka, sidaasi darteed markay dadkeenu u tartamaan siday isku raaci karaan ee ay isugu danta yihiin ee aynu qabiilka ka baxno ayeynu dawladnimo dimuqraadi ah dhisi karnaa, markaa waxaan idinku dardaarayaa dadka magaaladu waxay ku dhismi karaan inay isku raacaan intii isku dan ah ee isku shaqo ah”. Ayuu yidhi Madaxweynaha JSL

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply