SOMCABLE

Madaxweyne Aad U Jecel Inuu Iska Qaado Sawirada Selfiga Ah !

Madaxweynaha Dalka Lubnaan Sacad Al-xariiri ayaa waxa uu aad u jecelyahay inuu iska qaado Sawirada loo yaqaano Selfiga.

Sacad Al-xariiri oo ay da’diisu haatan tahay 48 jir ayaa waxa uu sawirada Selfiga ah uu la galaa taageeriyaashiisa, Xariiri ayaa waxa uu samaystay adeeg u gaar ah oo uu ku keydiyo sawiradiisa Selfiga ah ee uu la galo taageerayaashiisa.

Sacad Al-xariiri oo haatan u diyaar garoobaya Doorashada madaxtinimada ee Dalkaasi dhawaan ka qabsoomi doonta ayaa waxa uu sawirada noocaasi ah ku galaa meel kasta oo uu tego, iyo sidoo kale goobaha ay ka dhacayaan shirarka uu ka qayb galo, Jaceylka uu Sawirada noocan ah u hayo Sacad Al-xariiri ayaan ku eekayn gudaha Dalkaasi, balse waxa uu sawiradaasi ku galaa xattaa haddii uu Safar shaqo ah u tego waddamada kale ee adduunka.

Leave a Reply