SOMCABLE

“Madaxweynaha Waa La Ogol Yahay In Lala Xisaabtamo Ciddii Wax U Sheeganaysa, Wixii Dhibaato Dawladda Laga Tirsanayo In Loo Sheego Wuu…”-Madax dhaqameed

Hargeysa, 29 August, 2019 (Himilo)-Madax dhaqameed iyo Odeyaal miisaan culus leh ayaa Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay ka hor tegayaan wax kasta oo halis ku ah Nabadgelyada guud ee Somaliland, isla markaana wax u dhimmi kara wada jirka iyo Midnimada Ummadda Somaliland, waxaanay Dawladda ugu baaqeen in ilaaliso xaaladda dadka iyo dalka oo ay dhegaysato talada dadka.

Madax dhaqameedkan oo ay hoggaaminayeen Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Aadan Faarax ayaa shalay kulan ay isugu yimaadeen oo ku qabsoomay magaalada Hargeysa waxay warbaahinta u soo bandhigay dareenkooda ku aadan Xaaladda dadka iyo dalka ee xilligan iyo durruufaha jira, isla markaana waxay si adag uga digeen in nabada waxyeelo loo geysto, iyagoo dhalliilay Madax dhaqameedka ku hawlan nabadgelyo darrada, waxaanay Madaxweyne Muuse Biixi na ugu baaqay inuu qaato door hoggaamineed oo Nabadeed, waxaanay guud ahaan Dadweynaha kula dardaarmeen inay Nabadgelyada ilaashadaan.

Intaasi kadibna, Axmed Xaaji Cabdi-Waraabe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ka hadlay dhibaatada uu dagaalka leeyahay iyo saameynta uu dalka ku yeelan karo, isagoo si adag u difaacay Madaxweynaha waxaanu yidhi, “Dadka Reer Somaliland xabad uma diyaar aha oo nabadgelyada Somaliland xagga hore ayaanu u taaganahay”. Xildhibaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Madaxweynaha Carrabka ayaa ku badan, Waar Madaxweynuhu waa Garxajis ee halkee ayaad iiga mareysaa Ninkaaga u hanjabayoow, haddii aad garan weyday annaga ayaa kuu sheegaynee Inanka iyo Inanta Hooyo iyo Aabo ayaa wada dhalay”.

Xildhibaanku waxa kale oo uu farriin dhiirigelin ah u diray Madax dhaqameedka, “Salaadiinta iyo Cuqaashana waxaan leeyahay dadkiinii qabsada oo na xukuma oo taliya oo shirka noogu baaqa oo halka uu yahay noo sheega oo muddadiisana ha dheeraynina, Nabadgelyadana idinka ayey idin saaran tahay oo ma jiro cid derajo leh oo idinka sareysa oo Madaxweynuhu waa shaqaale”.

Suldaan Aadan Faarax ayaa isaguna ka hadlay ahmiyada ay leedahay ergada ku guda jirta waanwaanta nabadeed ee Xukuumadda iyo Sarkaalkii Ciidanka Qaranka hore uga goostay, “Nabadgelyada hadda laga hadlayo ee xagga Barriga Annaga Nin iyo Guddiyo uu wato ayaa xagaasi noo jiray waana Suldaan Maxamed Xirsi Qani, markaa Odeyadaasi aanu isku ogeyn inay nabadgelyada ka shaqeeyaan wali xagaasi way noo joogaan”.

Suldaan Aadan waxa kale oo uu iftiimiyey kaalinta Madaxweynaha, “Madaxweynaha waa la ogol yahay in lala xisaabtamo ciddii wax u sheeganaysa, wixii dhibaato dawladda laga tirsanayo in loo sheego waayo Ummadda ayaa dooratay, ciddii kale ee laga ashkatoonayana isaga ayaa laga ashkataynayaa oo dalka ugu sareeya oo Madaxweynuhu wuu ogol yahay oo waa lala hadlayaa”.

Sidoo kalena, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa isaguna ka hadlay madashaasi waxaanu yidhi, “Arrin fiican ayaad ka hadasheen oo talo Wanaagsan ayaad soo jeediseen, Nabadgelyadana marka aad ballan qaadeyso waa in aad xadhkaheedii iyo hubkeedii u sameysataa, arrintan aynu hadda u fadhinaa waa arrin rasmi ah”. Suldaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Haddii aynu Siciid iyo Daa’uud kala nahay annagu kuma raacsanin dagaal la qaado, wixii kale ee wax qabad ah diyaar ayaanu cid walba ula nahay”.

Suldaanku waxa kale oo uu tilmaamay qiimaha ay Somaliland ku leedahay dadweynaha, “Somaliland waynu jiranayaa ee ma kala jiran mayno oo waxa loo baahan yahay in Somaliland ay mid inoo noqoto”.

Suldaanku waxa kale oo uu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi, “Madaxweynaha waxaan leeyahay Dalku waa mid’e adiguna mid isaga dhig oo midee”.

Suldaan Maxamed waxa uu tilmaamay dareenka Odeyadii Ergada ahaa ee ku dhex jiray Xukuumadda iyo Sarkaal Caarre, iyo waliba Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, “Nimankan meesha jooga ee ergada loo diray ee Salaadiinta ahina way cabbanayeen oo Warbaahinta ayeynu ka maqlaynay ee bal arrintaasina waynu hubin doonaa, markaa Jannanku haddii uu khaldan yahay na dawladda ayaa u sheegi oo odhan waad khaldan tahay”.

Ugu dambeyntiina, Suldaan Maxamed waxa uu ku dhawaaqay Shir Dhaqan, “Ballanku waxa weeyi in muddada 15cisho ah ka dib uu shirku billaabmo oo shirkaasi waxa lagaga hadli doonaa waxyaalo badan oo Nabadgelyada iyo Horumarka Dalka ah”. Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply