SOMCABLE

Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada Dalkaasi Oo Fooda Isku Daray Shir Maanta Uga Furmaya Garoowe  

Garoowe, 05 May, 2019 (Himilo)-Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland ayaa waxa shalay galab gaadhay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyadoo hore ugu sii sugnaa Raysal wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre, iyo waliba guud ahaan ba Madaxda Maamul gobolleedyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in maalinta berri ah uu halkaa ka Farmaajo ka furo shirka dowladda federaalka iyo maamul Gobolleedyada.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa ku soo dhoweeyay wefdiga uu hor kacayay Madaxweyne Farmaajo garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Shirkan oo ay marti-galineyso Puntland ayaa la sheegay in lagaga hadli doono qodobo dhowr ah oo u badan guud ahaanba marka la eego siyaasada dalkaasi iyo xidhiidhka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo waayadii ugu danbeeyey ba aan wanaagsaneyn.

Shirkan ayaa dhawaan waxa ku baaqay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, xilli uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Deni ayaa xilligaasi sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka dalka.

Siciid Deni ayaa waxa kale oo uu sheegay in intii uu safarrada shaqo ku jiray uu magaalada Nairobi kula kulmay Madexweyneyaasha maamul gobolleedyda Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasoo ay ka wada hadleen waxa uu ku sheegay wada shaqayn la’aanta muuqata ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedyada.

Madaxda barrito shirka uga furmayo Garowe ayaa siyaasad ahaan waxay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, waxaana khilaafkii hore ee u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada uga sii daray go’aanka golaha wasiirrada ee dowladda federaalka uu ku meel mariyay hindise-sharciyeedka doorashooyinka, arrintaa oo inta badan ay ka biyo diideen kooxaha mucaaridka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada, iyagoo sharcigaasi ku tilmaamay mid loogu marmarsiyoonayo muddo korodhsi ay sameystaan madaxda xilligan marka uu waqtigood dhammaado.

Dhinaca kale, Waxyaabaha haatan soo ifbaxay ee dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyadu aadka isugu khilaafeen waxa ka mid ah tallaabada golaha wasiirrada dowladda federaalka ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka doorashooyinka in Qodobka ugu muhiimsan uu dhigayo in dowladda haatan jirta iyo baarlamaanku ba ay xilka sii haynayaan haddii doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan.

Arrintan ayaa timid iyadoo billihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay muddo korodhsi la sheegay in madaxda dowladda federaalka ay ka fikirayaan, ayaa waxa qodobka 56-aad ee hindise-sharciyeedka cusub lagu arkay isla arrintan, kaasoo si qayaxan u caddeynayaa in haddii ay dhici weydo doorashada xildhibaanada baarlamaanka duruufo soo kordhey awgood, in waqti korodhsi loo sameynayo baarlamaanka, halka Farqada 7-aad ee isla qodobkan ay si cad u sheegayso in haddii baarlamaanka muddada loo kordhiyo, in madaxweynahana ay sidaas isla muddadaasi ugu kordheyso xil heynta madaxweynaha jamhuuriyadda.

Ugu dambayntii, Waxa sharcigan durba gaashaanka ku dhuftay dowlad gobolleedyada qaarkood iyo xisbiyada siyaasadda, waxayna ku tilmaameen arrin kasoo hor jeedda dastuurka.

Dowlad gobolleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaan iyagu markii ba soo saaray war-saxaafadeedyo ku saabsan diidmadooda ku aaddan sharcigan.

War-saxaafadeedyada oo inta badan isu ekaa dhanka qodobada ayaa madaxda dowladda loogu baaqay inay dib uga fiirsato sharciyada golaha wasiirada ay ansixiyeen ee doorashooyinka iyo waliba kan baatroolka.

Xisbiyada siyaasadda, illaa iyo hadda waxa war-saxaafadeed soo saaray xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana lagu sheegay in “ujeedada dhan ee sharciga doorashooyinka ay tahay muddo kororsi xilleed”.

Dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaanan iyagu ka hadlin sharciga la ansixiyey.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply