SOMCABLE

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Warramay Shaqsiyaddii Marxuum Cali-sanyare Oo Shalay Hargeysa Aas Qaran Loogu Sameeyay

Hargeysa, 9 Meey, 2018 (Himilo) – Alle ha u naxariisto oo iilka Neecow Qabow iyo haku siiyo Naruuro’e waxa Shalay Magaalada Hargeysa aas Qaran loogu sameeyay Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo dhawaan ku Geeriyooday Dalka Iswiisarlan oo uu Xaalad Caafimaad-darro u joogay.

Marxuum Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare) oo Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka soo noqday Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, ayaa aaskiisa waxa ka qayb-galay boqollaal Qof oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirro, Xildhibaanno, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Madax-dhaqameed, Culimo, Siyaasiyiin iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Marxuumka oo diyaaradi Hargeysa keentay Meydkiisay  ayaa waxa Salaatu Jinaasa ku tukadeen boqollaal Qof, kuwaasi oo dhamaantood Alle ka baryey inuu Dambigiisa dhaafo oo uu Jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Aaska ka dib, Masuuliyiinta Qaranka ee ka qayb-galay aaska Marxuum Cali-sanyare ayaa mid mid Tacsi ugu diray Ehelada iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare) oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa shaqsi u darbanaa u shaqaynta Ummaddiisa, taasina Tusaale u tahay in isaga oo muddo dheer Dalka ka maqnaa oo la shaqaynayey Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO markii uu Dalka yimid markii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo ugu horreyn ka hadlay Geerida Marxuumka ayaa Ka tacsiyadeeyay Ehelladiisa iyo Shacabka Somaliland, isagoo sidoo kalena ka warramay Aqoontii uu u lahaa Marxuumka “Cali Sanyare wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii Hargeysa ku barbaartay, wuxuu noqday Karraani ka shaqeeya Wasaaraddii Cadaaladda oo uu illaa agaasimaha guud ka gaadhay, dhowr iyo toddobaatankii shirkii Midowga Afrika ka dib waxa loo beddelay OAU laanteeda shaqaalaha, markii dambe wuxuu ka mid Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO oo aan filayo inuu ka gaadhay Agaasime ku-xigeenka guud ee Hay’adda, Magaalada Geneva ayuu in badan deganaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Cali wuxuu ahaa Nin waxtara siyaalo badan, wuxuu ahaa nin Bulshaawi ah oo Dadku u siman yihiin, Cali meel uu joogo Qof u yimid kuma qaloolin, Cali wuxuu ahaa Nin meesha uu joogaba la yidhaahdo Cali inoo geeya,  nin weyn oo Dadka ururiya ayuu ahaa, waxa kuugu daliila isagoo Afartan Sano Waddanka ka maqnaa ayuu yimid, isagoon bil joogin ayuu Wasiir noqday, wuxuu ahaa Wasiirka qudha ee aan wakhtigaa Dadku u kala soocnayn, Mucaarad walaa Muxaafid. Cali wuxuu shaqaystay wax badan oo Samo-fal ah.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka sheegay shaqsiyaddii Marxuum Cali-Sanyare “LLAAHAY Cali ha u Naxariisto, innagana ha inooga daba naxariisto, Dadka nool ee uu dhalay ee koraya, wixii koraya iyo wixii ehel ah ee reer Hargeysa ah ILLAAHAY haka dhigo Dad Qaran ka fikira ee aan Qoys ka fikirin sidii Cali oo kale ee Dadka ururiya..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dhalinyarada waxaanu ka rajeynaynaa inay maraan Waddada Cali oo kale oo ay Qaranka u shaqeeyaan..”ayuu yidhi.

Leave a Reply