SOMCABLE

Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shacabka, Curashada Sannadka Cusub Ee 2019-ka Awgeed

Hargeysa (Himilo) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Shacabka ku hambalyeeyay Curashada Sannadka Cusub ee Miilaadiga ee 2019-ka, kaasi oo Bilaabmaya Maalinta Berri ah haddii Alle yidhaahdo.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu dhambaal Hambalyo ah u diray Shacabka, curashada sannadka 2019-ka awgeed.

War-saxaafadeedkaas ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2019-ka awgeed, kuna beegan 25-ka bisha Rabiicu-taani, 1440-ka ee sannadka Hijriga uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2019-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni taama.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply