SOMCABLE

Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Askari Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa (Himilo) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ciidammada Qaranka, kuwa Ilaalada Madaxtooyada iyo Shacabkaba ka Tacsiyadeeyay Geerida Axmed Cabdi Cilmi oo Hargeysa ku geeriyooday.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynuhu u diray Ehelada Marxuumka, Ciidammada Qaranka, ,kuwa Madaxtooyada iyo Shacabka Somaliland ayaa u qornayd sidan:-

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ciidanka qaranka Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  X/le Marxuum Axmed Cabdi Cilmi (Sanqadhyare) oo Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/05/2018, magaalada Hargeysa, iyadoo uu u geeriyooday marxuumku xanuun kaga soo booday wadnaha.

MUUSE BIIXI

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ciidanka qaranka Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

Leave a Reply