SOMCABLE

Madaxweynaha Oo Loo Soo Jeediyey Inuu Sharciga Hor-keeno Cidda Lunsatay $ 80 Milyan Oo DEYN Ah

Hargeysa, 6 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Siyaasi Axmed Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu Tallaabo ka qaado Cidda ay ku caddaato inay lunsatay 80 Milyan oo Dollar oo Doraad Xukuumaddu sheegtay inay Deyn ahaan ugu wareejisay Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Xukuumaddi Hore, Marwo Samsam Cabdi Aaden.

Aadan Dhooll-yare ee oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xilligii ay Wasiir Samsam xilka kula wareejisay Wasiirkii cusbaa ee Maaliyadda aanay sheegin wax Deyn ah oo ay wareejisay isla-markaana Wasiirkii Xilka la wareegay aanu sheegin inuu Deyn la wareegay, sidaa darteed Madaxweynaha looga baahan yahay inuu baadhitaan ku sameeyo Cidda lunsatay 80-ka Milyan ee Xukuumaddiisu sheegtay in Deyn ahaan loogu wareejiyey.

Siyaasi Dhoolla-yare oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Labadii Wasiir ee Xilka isku wareejiyey berigaa waxba inooma sheegin, markaa waxan in baadhis lagu sameeyo weeyaan, Waayo? Adduunka oo dhan baa ina soo eegaya, sidana ku noqon mayno Dawlad, markaa Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa marka uu daba-gal ku sameeyo in Maxkamad la keeno Ciddii dambigaasi ku Caddaado.”

Dhoolla-yare oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Hanti-dhowrkana waynu ognahay sannadkan dhowr jeer ayuu Xafiisyo galay, wax natiijo ahna Dad baa loo xidhay ayaynu maqalnay, laakiin Dadka Masaakiinta ah ee Karaaniyiinta ah maahee Cidda waxan masuuliyaddeeda leh ayay Shacabku u baahan yihiin (in Tallaabo laga qaado). Nasiib-darraduna waxa weeyaan Masuuliyiinteenu waxay Shaadh ka dhigtaan Qabiil Lacagtii ay xadeen aanay waxba ka siinin ayaa hadhow u doodaya, markay Arrinteenu Caynkaa noqoto ee Musuqmaasuqa intaas leegi ina dul hoganayo Adduunka waxba kama iibin karno (Qaddiyadda)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Deyntaa aanu Madaxweyne Muuse Biixi wax dambi ah ku lahayn, balse hadduu Deyntaa bixiyo uu Dambi ku yeelanayo “Madaxweyne Muuse ayaa jooga Maanta, isagu dambi kuma laha, Anigu ma aaminsani Tujaar heerkaa gaadhsiisan oo xitaa hadday toban yihiin 80 Milyan oo dollar laga amaahan karo oo lahaan kara muddadaa maba lihin.”

Siyaasigu wuxuu sheegay in Deyntu noqon doonto 160 Milyan oo ka maqan Shacabka Somaliland, haddii 80-kaa Milyan oo Maqan haddana Deynteeda ay Xukuumaddu bixiso “Lacagtani waxay noqonaysaa 160 Milyan Dollar, Waayo? 80 Milyan oo la lunsaday oo aan aaminsanahay inta Dad lagu sii qortay laga sii qaatay ama Qasnadda dawladda laga saaray, haddana marka 80 Milyan la bixiyo Waa 160 Milyan oo Qaranka ka maqan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “80-kaa Milyan Dambigeeda waxa leh Ciddii xilka haysey, haddiise 80-ka Milyan ee Deynta lagu sheegayo hadduu Madaxweynuhu bixiyo markaas ayuu Dembi ku geli karaa…”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply