SOMCABLE

Madaxweynaha Oo Kulan Gaar Ah Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Siyaasada

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka golleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID  iyo WADDANI,  Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

IMG_3824 IMG_3818Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxaana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

Leave a Reply