SOMCABLE

Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Dhibaatada Deeqaha Caalamiga Ah, Saamaynta Maskaxeed, Dhismaha Kheyriyada & Hudheelka Madaarka & Aragtidiisa Naaneysaha Bulshadu U Bixiyeen

“Wasiirka Waanu Isku Dilnay Isagoo Dabada Laga Wado, Waar Ceeb Maaha Khalad Ayaa Dhacay Oo Waynu Saxaynaa Oo Goobtu…”-Madaxweynaha

“Madaxweynaha Ama Maayirka Ayaa I Dulmaya, Waa La Ii Jeedaa Oo Waa La I Dulmayaa Ee Ha La Iga Qabto, Waar Bal Maxkamadda Sii Daaya, Caqliyada Noocaasi Ah Sidee Dawlad Lagu Ahaanayaa, Waa Lagu Garab Joogaa Oo Gar Baa Lagu Siinayaa…”.-Madaxweynaha

Hargeysa, 07 Feb, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si adag uga hadlay arrimo muddooyinkii uu xilka hayey qaaday oo ay  bulshadu si weyn uga hadlaysay oo ay ka biyo diiday, isla markaana Xukuumadda lagu dhaliilayey qaabka iyo sida ay u wajahday.

Haddaba, Tallaabooyinkaasi oo qaar ka mid ah oo uu Madaxweynuhu shalay si cad uga hadlay ayaa waxay kala yihiin, sida uu u arko iyo saamaynta da’yartu ku yeelan karto raadadka Deeqaha Caalamku ina siiyo, iyo Dhismaha Kheyriyada Hargeysa, iyo waliba Hudheel ku yaalla gudaha Madaarka Caasimada, iyo waliba dareenka uu ka qabo Naaneysaha ay Bulshadu u bixiyeen Madaxweynaha intii uu xilka hayey.

Akhristayaal, haddii aynu si gaar ah u eegno arrimahaasi sida uu shalay Madaxweynuhu uga hadlay, ugu horreyna waa kan dareenka uu ka qabo Deeqaha Caalamiga ah ee la Siiyo Somaliland ee wax loogu qabto.

Dhibaatada Deeqaha Caalamiga ah:

“Saaka (Shalay), markii aan marayey dugsiyada Hargeysa, waxaan galay kalaas, waxaan eegay miisaska yaalla, waa loox iyo bir la laabay uu ardaygu ku fadhiyo, Nijaar kasta oo Hargeysa joogaa toban ayuu maalintii sameyn karaa”. Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray, “Waxa naxdin laheyd oo yaxyax laheyd waxa miisaskaasi ku qornaa inay ina siisay Unicef, Norway, UNDP ama hay’ad kale, markaa kuwa ku qoray intaa ee calaamadaasi inoogu dhejiyey ceeb ayey ku tahay oo waxba inamay siin, innaga waxaa urursanaya ee waxba qabsan kari weydayna ceeb ayey ku tahay oo ummad hore u socotana ma nihin, markaa Nijaariinta kala jooga Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Borama ba way ku filan yihiin inay ardaydooda u sameeyaan Miis iyo Kursi, looxa in la soo iibiyo iyo in nijaarka maalintaasi lacagta la siiyona way ku filan yihiin dadka hantida haysta ee magaaladaasi joogaa, nasiib darrose uma jeedno ee waxaynu ka shaqeynaa wax aan micno lahayn, haddaba, Ilmaha ku koray miiska iyo kursiga hay’adahaasi ayaa kuu sameeyey caqligiisu sidee ayuu noqonayaa, sow dib uguma noqonayo xilligii dadka laga ganacsan jiray, Ilmaha taag darran ee kaasi caawinayo sidee ayuu u fikirayaa, saw noloshiisa oo dhan kuma fikirayo inuu yahay qof hooseeya oo ku fikiraya inuu tahriibo oo aynu innagu u bilownay oo uu ku carraro meeshii looxa u sameysay, markaa saw waxaynu ku abuurnay maaha, waxaana hagraday innaga da’deena”. Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay ka hadlay xaflad xadhiga lagaga jarayey kulliyada Tababbarka Macalimiinta.

Dhismaha Kheyriyada Magaalada Hargeysa:

Dhismaha Kheyriyada Hargeysa oo muddooyinkii u danbeeyey ahaa goob ganacsi oo ah Maqaaxi laga cunteeyo oo ay ku shaqeystaan muwaadiniin ay dawlada hoose ee Hargeysa ka kireysay, balse haatan way xidhan tahay, sidaasi awgeed Madaxweynaha ayaa markii u horreysay shalay ka hadlay, waxaanu yidhi “Kheyriyada waad wada taqaanaan oo waa xudunta magaalada Hargeysa, samafal ayaa lagu dhisay 1932-kii oo waxay aheyd Jimciyatu Cadiyatu Raxmaan, laakiin Nin Muwaadin ah ayaa la siiyey muddo kiro ah oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ka kireysay, balse lix bilood horteed ayaan u soo jeediyey amar ah dalkani waxa uu u baahan yahay waxyaalo Qaran oo xusuus ah oo Caasimadu waxay u baahan tahay Muyuusiyam laysugu yimaado oo lagu akhristo taariikhda, waxaanay nala noqotay inay Kheyriyadu tahay halka ugu habboon ee laga dhigi karo Muyuusiyam, sidaasi awgeedna la dumiyo oo Qaranka oo dhami isugu tego oo laga dhiso xarun muyuusiyam ah oo wanaagsan, balse Muwaadinkii laga kireeyey lix bilood ayaanu murmaynay oo uu lahaa wax baa layga jeedaa, waliba marka aan ta Soomaaliga ah ee gaagaaban aan idiinku sheego adeer ayaan u ahay haddii uu odhan lahaa cid baa xagaa iga xigta, markaa waar inanka waxba loogama jeedo ee waa loo baahday, bal ka warrama Maxkamad ayey dawladda isla galeen oo wuu dacwooday oo mar waxa uu yidhaa Madaxweynaha ama Maayirka ayaa I dulmaya, waa la ii jeedaa oo waa la I dulmayaa ee ha la iga qabto, waar bal maxkamadda sii daaya, Caqliyada noocaasi ah sidee dawlad lagu ahaanayaa, waa lagu garab joogaa oo gar baa lagu siinayaa”. Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi

Hudheelka Madaarka Caasimada:

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu isla shalay hadalkii uu ka jeediyey xafladii furitaanka kulliyada Tababbarka Macalimiinta waxa uu kaga hadlay Hudheel ku yaala Madaarka Caasimada ee Cigaal International Airport, waxaanu yidhi, “Hudheel ku yaalla Madaarka waanu isku haysanaa Ninkii lahaa oo ii Abti ah, Deyr ayaa lagu xidhay oo la xidhay oo la yidhi intaasi waa Madaar, markaa Hudheel ka dhex socon maayo oo waxaan idhi ka daa, ileyn haddii mid loo furo kuwa kalena waa la wada furiye oo diidi kari maayee, markaa Ergadii ugu kululeyd ee culeyska ugu badan laheyd ee Suldaan, Siyaasi, Wasiirka waanu isku dilnay isagoo dabada laga wado, waar ceeb maaha khalad ayaa dhacay oo waynu saxaynaa oo goobtu waa Madaarkii, waana run Xaajigan lacag badan ayaa kaga baxday oo dawladda ayaa khaladkaasi gashay oo bixisay haddana kala noqotay si khaladkaasi loo saxo waa laga wada hadlayaa oo aadmigu wuu khaldamaa, waayo haddii intii taarku galay wax laga dhiso waa khalad, balse waxa la yidhi May, waa khalad oo waa loo jeedaa oo Reer baa loo jeedaa, haddii kale maxaa loo qaadi waayey fooqaqa laga dhisay Indian line-ka (Badhtamaha Hargeysa), markaa waar miyeydaan ALLE ka yaabayn sidee dalka loo dhisayaa oo wax loo maamulayaa”. Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Naaneysaha Quful iyo Handaraab:

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu isla shalay ka hadlay naaneysaha bulshadu u bixisay muddadii uu xilka Madaxweyne hayey, waxaanu yidhi “Fule xantii ma moogee, Aniga waxa la igu xantaa Handaraabkii waa sahaalee, Qufulkii waa la soo dhaafay oo waxa la yidhaa waa kelidii Taliye oo ma ogola in la hadlo oo xorriyatul qawlkii ayaa la cabudhinayaa, waana hawl weyn oo inoo taala, markaa waxaan ogolahay in Anigu markaan gefo gefkayga lay tilmaamo”. Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Ugu dambayntii, tallaabooyinkan uu Madaxweynuhu shalay ka hadlay ayaan ahayn guud ahaan arrimihii sida weyn bulshadu uga hadleysay tan iyo intii uu qabtay xilka Madaxweynimo ee dalka Somaliland, laakiin waxa jira arrimo kale oo u baahan in si dhab ah oo cad looga hadlo oo Madaxweyne ahaan uu ku wajaho oo uu Bulshada u iftiimiyo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply