SOMCABLE

Madaxweynaha Oo Haweenay U Magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka

Hargeysa, 07 Apr, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Masuul cusub u magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, waxaanu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan uga mahad celinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply