SOMCABLE

Madaxweynaha Iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Oo Isku Afgartay Inay Wada-Jir U Dhayaan Boogaha Ay Bulshada Kaga Tagtay Doorashadii 2017

Hargeysa, 8 Feebarweri, 2018 (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulamo kala duwan xafiiskiisa shalay kula yeeshay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID.

War qoraal oo xafiiska xidhiidhka warbaahinta ee Madaxtooyadu ka soo saaray kulamadani oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo ayaa ugu horreyn lagu sheegay in Kulankan Madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee loo asteeyey inay dalka ka qabsoonto 13-March-2019-ka, waxaanu Madaxweynuhu guddida doorashooyinka qaranka kala hadlay sidii ay u samayn lahaayeen jadwal sax ah oo ku jaan go’an doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib uga dhicin waqtigii hore loogu asteeyey, isaga oo muujiyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixii dhinacooda looga baahdo ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa dhinacooda ballan qaaday inay hawshaasi sideeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan ballan-qaad rasmi ah oo sheegay inay diyaar la yihiin, wixii kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka, maadaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinkaasi waqtigii loo asteeyey ku qabsoomaan.

Dhinaca kale, Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa noqonaya kii saddexaad ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la yeesho hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland.

Warkaasi ayaa lagu sheegay in kulanka hoggaamiyeyaasha Xisbiyadu uu ahaa mid wada-tashi iyo is xog-wareysi ah oo madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya danta guud ee qaranka.

Waxyaabaha liishaanka lagu saaray kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa waxa ka mid ahaa sidii meel looga soo wada-jeedsan lahaa xoojinta midnimada ummadda iyo adkaynta nabadgelyada qaranka, waxaanay hoggaanka xisbiyada mucaaridku muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin inay madaxweynaha kala shaqeeyaan danaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo Ucid Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale la iskula meel-dhigay in wada-jir iyo isku-duubni lagu waajaho bogsiinta dhammaanba wixii xanaf iyo xagtimo ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhammaadka sanadkii tegay ee 2017-ka.

Waxa kale oo kulankan la la iskula meel-dhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku duuban ay uga wada-hawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee dalka ka qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka.

Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa sidoo kale kulankooda iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wada-shaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi ka kooban 15-xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5-xubnood, si loo xoojiyo wad-shaqaynta axsaabta qaranka.

Kulanka madaxweynaha iyo labada hoggaamiye ee xisbiyada mucaaridka ah, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana la isla waafaqay in meel looga soo wada jeesto hirgelinta himilada guud ee uu qaranka Somaliland leeyahay.

Leave a Reply