SOMCABLE

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Ku Taliyey In ‘Muhaajiriinta La Toogto’

Washington, 03 Oct, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in muhaajiriinta lugaha laga toogto si loo joojiyo, sida lagu qoray buug cusub oo soo baxay.

Buugan oo ay qoreen laba weriye oo u shaqeeya wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Trump uu soo jeediyay taladan si muhaajiriinta aanay ugu dhiiranin inay Mareykanka u safraan.

Waxa ka mid ah waxyaabaha kale ee uu ku taliyay Trump in la dhiso darbi dheer oo koronto lagu xidhay iyo godod hoy u ah halaqa sida maska oo xadka laga sameeya.

Dhismaha darbiga xadka Mexico wuxuu ka mid ahaa ballanqaadyada uu Trump ku galay ololaha doorashada 2016

Dhismaha darbiga ayaa billowday, waxaana la sheegay in wasaaradda gaashandhigga Mareykanka ay u qoondeysay 3.6 bilyan oo doolar.

Aqalka Cad kama uu hadal eedeyntan u dambeysay ee lagu qoray buugaasi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply