SOMCABLE

Madaxwayne Wasiirada Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda,  Beeraha iyo Caafimaadku Waa Xul,  Balse Inta Kale ?

Madaxwaynaha Qaranka Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedinayaa laba qodob horseed u noqon kara isbedel maamul oo kor u qaada adeegyada xukuumadu u hayso shacabka sidaasi awgeed waxan leeyahay Madaxwayne Biixi muwaadiniinta dalku way u siman yihiin xil u qabashada shacabkooda marka aad u igmato ama aad u magacowdo xil .hadaba golihii wasiirada ee aad magacowday dhismihii kowaad ee xukuumada waxad balanqaaday inaad kula xisaabtami doonto waxqabadka any kusoo kordhiyaan xilka aad u igmatay

Sidaasi darteed golahan xilka haya ee wasiirada oo sanad iyo dhowr bilood hayey xilka waxan ARAGTIDAYDA muwaadinimo Ku cabiray in Afar Wasiir oo ka mid ah mooyee inta kale kaa noqdeen boosbuuxin ama xubno aan khibrad hoggaamineed ka madhan.
Sidaasi awgeed MD.Madaxwayne waxan Aragtidayda muwaadinimo Ku qiimeeyey in Afar Wasiir oo kala ah W.Arimaha Gudaha W.Beeraha W.Arimaha Dibadda W.Caafimaadka afartaasi wax an Ku qiimeeyey wasiiro Ku suntan degenaansho hogaamin iyo khibrada qarankani marxaladihii uusoo maray xogogaal u ah Hadaba MD.Madaxwayne waxan kuusoo jeedinayaa inaad ISBEDEL Ku samayso Golaha wasiirada waxanan Talo kugu siinayaa in xulashada Wasiirada aad Ku qaadanaysaa ay NOQOTO Aqoon iyo khibrad hogaamineed marxaladaha dalkani balse qurbajoog waxba Kusoo kordhin maayaan ibedalada horumarineed shacabku ka sugayo xukuumadooda

Wa bilaahi towfiiq 

Mawliid Aadan Cumar

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply