SOMCABLE

Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Dadkii Dilka U Geystay Labadii Sarkaal In La Maxkamadeeyo 

Borama, 05 May, 2019 (Himilo)-Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Maxkamadda la hor geeyo oo sharciga la mariyo dadkii dilka u geystay labadii Sarkaal ee dhawaan lagu dilay Gobolka Sanaag.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa ugu horreyn bulshada ka tacsiyeeyey Geerida labada Sarkaal ee dhawaan lagu dilay Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Ehelkii, Qoyskii iyo Bulshada Gobolka Awdal iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee ay ka geeriyoodeen labadii Sarkaal ee dhawaan lagu diley Gobolka Sanaag Alle ha u naxariistii”.

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar waxa uu ka warramay dareenka ay ka qabaan dilkii loo geystay labadaasi Sarkaal waxaanu yidhi, “Dhacdadaasi waxay aheyd dhacdo aan loo qaadan karin oo runtii Diinteena iyo Dhaqankeena ku fool xun oo Anigu waxaan ka mid ahaa ergooyinkii joogay Ceel-af-weyn oo maalintii uu arrinkaasi dhacayey ayaan subaxii ka soo baxay oo falkan dilku wuu iga dambeeyey oo labadaasi Marxuum na iyagoo jooga magaalada Ceel-af-weyn ayaan kaga imid”.

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay aragtida ay ka qabaan dilka loo geystay labada Sarkaal, “Labadaasi Sarkaal ee dilka loo geystay maalintii la dilay maalintii ka horreysay ayey ka soo ordeen magaalada Gar-adag ee ay ka shaqeynayeen kadib markii weerar laxaad leh lagu soo qaaday, dilkaasi sida loo sheegay waxa uu ahaa mid qorsheysan oo degmada Ceel-af-weyn degaankeeda oo dhami u dhanaayeen, waxaananu leenahay arrintaasi Somaliland way dhaawacday oo Somaliland dhaawac weyn ayaa ku yaalla oo dhaawacaa way ka soo kaban oo waxay uga soo kaban in raggii gacan ku dhiiglayaasha ahaa oo la soo qabto oo maxkamadda la hor taago oo sharciga la mariyo, ama Somaliland dhaawacaasi ayey u dhiman oo labadaasi ayey mid noqon”.

Ugu dambayntiina, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu baaq u diray Xukuumadda, “Raggii ayaa la qabtay kama soconayso xagayaga ee waxa keliya oo aanu maqli karnaa waa raggii ayaa Maxkamadda la taagay”. Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply