SOMCABLE

Maanso Ku Saabsan Qiimaha Siyaasiga Maanta:

 

Abwaan Sacad Jibriil Axmed ayaa maanso uu curiyey 15.10.16, ku sifeeyey qiimaha siyaasiyiinta maanta, Abwaanku waxaanu faahfaahin ka bixiyey sidii ay maansadani ugu dhalatay.

sacadAbwaan Sacad, waxaanu hordhaca uu kaga faaloonayo ku yidhi “Waxa igu dhaliyey arrimo badan oo maskaxda dadweynaha ka dhex guuxaya oo ku saabsan siyaasadda, iyadoo dalkiyo dadkuba hilow badan u qabo hogaan fiican oo danahooda nololeed ka shaqeeya, iyada oo taasi ku xidhan tahay shuruudaha ay wax ku dooranayaan, iyo cidda ay dooranayaan, sida ay daacad uga noqdaan danahooda, shaqsiyan dareen ahaanteyda, iyo sida inbadan oo dadweynaha ka mid ahiba qabaan ay tahey, in siyaasiyiinta maantu ay yihiin, qaar noloshooda iyo ta qoyskooga gaar ahaaneed ka shaqeeya, marka xilka loo doorto danta ummaddana ilooba, hungow faro badana dhaxalsiisa, sida inbadan dhacdey aynu kawada dharegsanaheyna, haddaba anigoo fikirka noocaas ah kala siman dadkaasi”.

Abwaanku waxaanu Maansadiisa ku bilaabay sidan :

Intaan siyaasi qabyaaladi dhashoo

Qaran dumiye wadan laa

Kala qaybsha shacabkoo

Kala dira qurruumaha

Qulluubtooda kala dilla

Qiiradaasu ay tahay

Gumayntiyo qiimo dhaca dadweynaha

Qorshihiisu uu yahay

Qaxar iyo dhibaatiyo

Qaabkii gumeystaha

Kala qixinta maatida

Qo’qoboo dadweynaha

Uhorseeda buuqiyo

Qayliyo qoqobo riix

Ka shaqeeya qudhunkoo

Dirxiga quudka kala siman

Qimaheena diintiyo

Qawlkii anbiyadiyo

Garab maray qur’aankiyo

Qawlkii illaahay

Qaabkiisa nolashuna

Shabahaayo qaaruun

Qadafkiyo xumaantiyo

Qallashada dadweynaha

Xaaraanta qaayibey

Qeyb qeyb uqaatee

Ku qufilay qasnadaha madhan

Qiimihii islaamkiyo

Xaaraanta qudhudhshee

Ka arradan qulluubtana

Uu qaafka dallabta leh

Qiiro beena uu wado

Qushuucdiisa lama dhaco

Qof qabiil ku taageerna

Damiirkayga qaban waa

Qabqablaha horseedkee

Garanwaayey qaranimo

Ee u hiloobey reernimo

Intaan qoys ka dhigan laa

Qudhunkiyo qabyaalada

Qeyb aan u heli laa

Qaranimo intaan dhigo

Qabiil aan unoqon laa

Qiimihii dadnimadaba

Quusbaan ka joogaa.

 

 

Sacad Jibril Ahmed

telephone: +25224463215

Hargeisa, Somaliland

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland