SOMCABLE

Maanso: Baxsanaa Allahayow

Maansadan la magac baxday Baxsanaa Allahayow oo uu Curiyey Abwaan Fu’aad Cabdillaahi Digaale, ayaa waxa uu si qotto dheer Abwaanku ugu sifeynayaa qiimaha dabiiciga ah ee uu leeyahay dhulkeena Hooyo.

Maansadan Baxsanaa Allahayow oo soo baxday 29/11/2016, ayaa Abwaanku waxa uu ku bilaabay sidan:-

Baxsanaa Allahayow

Nin Ku Waa Barriistaa

Baladkiisii Hooyiyo

Basradii Hargeysiyo

Burco Iyo Berbera Iyo

Gabiley Iyo Boorame

Xeebtaa Baallaheediyo

Badhtamihiisa Ceelsheekh

Subixiina Bakhooloo

Cabdigeedi Booqdaa

Oo Baallo Deymada

Badankaaga Ruxaysiyo

Billicdooda Yaabka Leh

Buuraha Isgarabyaal

Almis Aad Barriidada

Barqadii Aad Gaadhaa

Dhaayihii Basaasee

Busku Uu Dishoodaa

Dhakhso Kuugu Baxayee

Bashaal Dalxiisoo

Hadayte Bal Soo Arag

Xoolaha Barqanayiyo

Ugaadha Isbaratee

Een Kala Baqaynee

Bil Haday Iswaayaan

Isku Baaqa Yeedhmada

Dooxyada Burqanayee

Biji Uu Madaxiyo

Kulan Wada Bislaadoo

Afartiisa Baallood

Baarka Rayska Galliyoo

Bara Aan Fogeyniyo

Baabaco Ku Kuradiyo

Baxsanaa Allahayow

Nin Ku Waa Barriistaa

Barraris Oo Rogmanayiyo

Bildhaalay Oo Barwaaqa Ah

Baal Kale Udiga Rogo

Sida Loo Ballaysimay

Boqor U Asteeyiyo

Beeraha Ku Yaallee

Badarkiyo Galeydiyo

Sareenkii Isbarkadayee

Ballo Laga Duceystiyo

Baahi Ay Ka Dheertee

Loogu Baaqo Caanaha

Bildhaan Ruux Ka Muuqdiyo

Baadidoonka Socotada

Baxsanaa Allahayow

Bara Caafimaadiyo

Ninku Waa Barriistaa

Boolladiidiyo Aburiin

Dhugo Oo Jalleec Biddix

Baaqa Aad Maqlaysiyo

Gobka Baaxad Yaabliyo

Dherrer Iyo Ballaadhlee

Cirka Baarku Gaadhee

Hooskiisu Boodhiyo

Sufur Iyo Buskacay Iyo

Buste Gogol Aad Dhigatiyo

Darmo Kaaga Baahnayn

Dawo Lagu Bogsoodiyo

Baryo Aad U Aydidi

Balladkeena Quruxdiyo

Bal Dhaboolaq Soo Barro

Baal Kale U Diga Rogo

Barashada Aqooneed

Raacdada Usii Badi

Canbe Wada Bislaadiyo

Baydariin Iyo Rumaan Iyo

Saytuum Iyo Banbeeliyo

Canab Rucuba Buuxshiyo

Basal Iyo Tamaandhiyo

Baqalkiyo Toontiyo

Baradhiyo Xawaash Iyo

Khudrad Baahi Reebiyo

Balladkaaga Hooyo

Horro Booqo Oo Gaadh

Baal Kale Udigo Rogo

Barashada Aqooneed

Raacdada Usii Badi

Barta Laga Cabaayee

Biyo Saxar Lahayn Iyo

Wabi Soo Buttaacee

Bulsho Ay U.Aydoo

Goodir Iyo Biciid Iyo

Baabulaha Libaax Iyo

Harimacad Boottadheer.Iyo

Barrabarraale Shabeel Iyo

Deeradu Ku Badantiyo

Garanuugta Badi Duni

Balladkeena Mooyee

Bilaadkale Ku Noolayn

Baxsanaa Allahayow

Ninku Waa Barriistaa

Deebliyo Bustaanadii

Baal Kale Udiga Roga

Deegaanka Billicdiyo

Badhaadhiyo Raaxada

Boqor Hibo Usiiyee

Maanku Ii Basaasee

Boholyowga Xiisaha

Baahi Aan Ujeel Qabo

Baxsanaa Allahayow

Nin Ku Waa Barriistaa

Bustaanadii Wacnaa Iyo

Beeraheedii Arabsiyo

Baal Kale Udigo Rogo

Halkaan Bacad Kulayliyo

Baaxad Soore Jirin

Badi Geellii Dhalayee

Ku Bashiishtay Roobkii

Baxsanaa Allahayow

Nin Ku Waa Barriistaa

Baaldacarle Dhamal Iyo

Doogiyo Boldhoolihii

Baal Kale Udiga Rogo

Badhtamaha Habeenimo

Halkaan Uboodee

Bardheer Iiga Hiraysiyo

Baxsanaa.Allahayow

Nin Ku Waa Barriistaa

Darrarweyne Loo Bogay

Baal Kale Udigo Rogo

Dhulka Aan Is Badalinee

Abaar Baahsan Dhaawicin

Dhirta Ubuxu Buuxshayna

Buuraha Sinteediyo

Babacyada Ku Go’an Tahay

Baxsanaa Allahayow

Nin Ku Waa Barriistaa

Bixin-Duule Iyo Sheekh

Bud-Dhigeeda Maansiyo

Waxaan Heesta Kaga Baxay

Dhillin Iyo Barbaar Iyo

Birmadkii Dalkeenow

Billicdiida Muuqiyo

Dhulka Yaanla Baylihin

Baallaha Ka Joogsada

La Soco Q.2aad

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland