SOMCABLE

Maanso: Ay-Garad

Maansadan la magac baxday Ay-Garad oo tilmaan ka bixinaysa hoos u dhaca ku yimi af-soomaaliga ayaa waxa curiyey Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir), waxaana ku jira erayo badan oo qaarkood la ilaaway, waana dhoola-tus Af-soomaaligu u muujinayo afafka kale waxaanay tidhi amase ku bilaabantay sida:-

Ururtiyo laxaa sare

Afa gaale Caliyaw

Ninka adhaxda jiilaal

Eegaa maladi jirin

Anna oonka la hashada

Umalkiyo wisiisiga

Waxaan ooda dhacameed

Ashqaraar u kala guray

Oo gadayda laacdiyo

U baxii bilaan jiray

Sidaan ugu abtirin laa

Awinkiyo aswaantiyo

 

Arahdiyo argeegtiyo

 

Agedkiyo adeentida

 

Orobkiyo arbeebiga

 

Abaajiga asoolka leh

 

Awsaaxa jiifiyo

 

Ilma-dhuug kolay tahay

 

Ardalkiyo amuumkiyo Adamii tilmaanaa

 

Uus-miirka liitee

 

Nafta lagu la eertiyo

 

Abqadiyo Adaahida

 

Abxidayo adarigii

 

Iyo aabigeedii

 

Alamaanku saaraa

 

Agabaraha geedkiyo

 

Igmashada fartaaga leh

 

Ologiyo ardaayada

 

Axdartiyo asaayaha

 

Awgiyo ijaabada

 

Adurtii la odhan jiray

 

 

 

Agloolkiyo anfaaciga

 

Arooskiyo agliilkii

 

Ajuurada wadaadkii

 

Eeraanka dheeraa

 

Agtilaalki soocnaa

 

Amihiyo Aboodiga

 

Axadhiyo  akeekiga

 

Anfariirka jaantiyo

 

Ayn faadka yaabka leh

 

Arartiyo hayl hayskiyo

 

Ilma raga shadeedii

 

 

 

Erayada tasoobiyo

 

Afku inuu agoon yahay

 

Aqoon-yahan tilmaamiyo

 

Abwaan kaama qarinine

 

Kumaad eer sanaysaa

 

 

 

Ayax guuray eel reeb

 

Argtida xidaarkiyo

 

Wax layidhi aftahankii

 

Aamus buu ku dhawyahay

 

Bayaxaw odoraskii

 

Naaf dhaladka eedee

 

Amin iyo god lays waa

 

Asa oodan baa jira

 

 

 

Runta aba saxeediyo

 

Abaraaqa waayaha

 

Ab-ogaa warkiisiyo

 

Arnaa’uudka waydii

 

Ay-garadka sii raac

 

Eela waynta naaxdiyo

 

Baydari ugaadhsiga

 

Ishinkeeda raacdee

 

Ohligaad jeclaydi iyo

 

Okholaha halkiisii

 

Umal baa ka sarakacay

 

 

 

Arootiyo aroorida

 

Ashkir inuu bariistiyo

 

Wax layidhi Adeeridu

 

Dhulka meel aftoolin ah

 

Kuma uusi shitadoo

 

Aarmigu ma saacido

 

 

 

Waa Agaali waranlay

 

Iyo nugul abaareed

 

Carshintii Aloog iyo

 

Caliw daranti eexood

 

Alle waxay ka sugayaan

 

Cirku in uu mar ooftiyo

 

Arligoo ku doogsada

 

 

 

Ukulidii dareenkiyo

 

Uubatays ha joogee

 

Yaa irdheeyay waayaha

 

Yaa alooka saanyahay

 

Aydinkiisa laaciyo

 

Ijadiisa yaa luray

 

 

 

Arbe waa yaqaanaa

 

Halkuu oosha mariyoo

 

Oolimaad diraaceed

 

Udawayne kuma furo

 

 

 

Aradkana hankaw daran

 

Garashad abguurtiyo

 

Agoon waa qofkii madhan

 

 

 

Indhaa aragtidooday

 

Ilkuhuna waxgooyaan

 

Aadmigu is qaad qaad

 

Isagaan abuurtiyo

 

Aayihiisa faalayn

 

Damaciisa iibgee

 

Hadba aag u sii gudub

 

Nin adduun majeertaa

 

Indheer-garato maahee

 

Iimaanki duug noqoy

 

Asalkiina laga faan

 

 

 

Adduunyada af baa fura

 

Aqoontana af baa qora

 

Dhaqankana af baa sida

 

Dhaxalkii awoow iyo

 

Isirkana afkaw mudan

 

Aa saarta duugiyo

 

Taariikhad aamiga

 

Afku udub dhexaad iyo

 

Aqolkooda weeyaan

 

Ummadana henkeediyo

 

Ilbaxeeda weeyaan

 

Ubadkana asluubtiyo

 

Aayahooda weeyaan

 

 

 

 

 

Alif macalin baa dhigay

 

Iyo awgi waynaa

 

Keena diidna aashi

 

Aragtiyo far buu qoray

 

Galaal aynigiisii

 

Ummaduu wax uga tagay

 

Shire-gaab amaan iyo

 

Ubax baa dulsaaraa

 

Ka daraa ogayl key

 

Qoraal loogu iman jiray

 

Afrax inuu dadaaliyo

 

Wili orodki  muudayn

 

Gaarriyana astaamaha

 

Afka waa macnayn jiray

 

Arbe yaasha qaar iyo

 

Akhyaartii badh baa maqan

 

Abaal lugu xusuustiyo

 

Tixdu waa abaartood

 

Inta iilka jiiftana

 

Alle hawgu sama falo

 

Aamiiiiiiiiin

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply