Maanso cusub oo la magac baxday Waryaa Hubka Jooja oo uu curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile ayaa waxa uu Abwaanku si qotto dheer ugala hadlayaa dadka walaalaha ah ee colaadu ku dhexmarayso deegaanka Dararweyne, waana maanso gurmad iyo waano ah.
Haddaba, Abwaan Sacad Axmed Xasan-Roodhiile waxa uu maansadiisan ku bilaabay sidan:
Waar hoy hanbadiina
Dagaalka hurayaa
Haybtayda baxaysa
Hayaay iyo wiida
colaad lagu hoobto
Dadkeena haleesha
Waar hoy hanbadiina
Intaa hallal joogta
Waryaan hubku laynin.
Hubsoo ha is heerin
Waxaan ku habsaanay
Waxaan la haggaasnay
Waxaan la hodmaynin
Waxaan ku hungownay
Dagaalkan huraaya
Intaa hilbaheena
Waraabuhu hiigay
Waryaa hubka jooja.
Ishaa hibiqlaysay
Dhallaan iyo hooyo
Haweenkani hoogay
Waryaa mahuraanka
Abtow la helaynin
Inaabti is heertay
Hugayga dadkayga
Dabkaa ku huraaya
Hed aan cudurkeenin
War hoy hubka jooja.
Wallaalo is heera
Xabaal la hogeeyo
Hadhow iyo naarta
Xisaabta hadhaynin
Hoheey iyo ciilkan
Hallaaga dhacaaya
War hoy hubka jooja.
Belaayo higlaysa
Belaayo huraysa
Belaayo hulaaqda
Dadkoo dhan ku hoobto
Hal doon wada saaran
Halkii gubanaysa
Haddaan la bakhtiinin
Hurdooy nabadeena
Inaan hibatayni
Hadhow la helaynin
Ayaa la hubaaye
War hooy hubka jooja.
Halkii nabad doonka
Halkiisiyo guurti
Halkii oday caaqil
Halkiisi suldaanka
Halkii madaxdeena
Halkii ehludiinka
Colaadan huraysa
Haddaan la horjoogsan
Haddii la habsaamo
Hungay noqotaaye
Wax baa la huraaye
Dadkaa isku hoobtay
Waryaa hubka jooja.
Bal ciilkiyo hooga
Harreeraha eega
Soomaalida hoogtay
Hallaaga dhacaaya
Waxaa higle maanta
Waxaa hilbo daadsan
Dugaaga hafaaya
Adduunyada hiiftay
Tusaalahan hooya
Wallaal hubka jooja.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland