SOMCABLE

Maamulka Shirkadda INDHA-BIRTA Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Kasoo Yeedhay Wasiirka Tamarta, Sheegayna Inay Weli Shaqaalahoodii Iyo Gaadiidkoodii Xidhan Yihiin

“Wasiirku Wuxuu Ka Hadlay Kala-xadeynta Laydhka, Laakiin Shirkadda SOMPOWER wuxuu siiyay Mashruuc Laydh Loogu Jiidayo Madaxtooyada Cusub..”

Hargeysa, 7 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Maamulka Sare ee Shirkadda Laydhka Indha Birta (Indho Power) oo ka mid ah shirkaddaha u Waa weyn dhinaca laydhka ee ka hawlgala dalka iyo shaqaale weynaha Qaybta Laydhka ee Magaaladda Hargeysa ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeedhay Wasiirka Macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo sheegay inay cabashadani shirkadduhu ku qotonto kala xadhayn dhinaca sharciga ah oo uu u sameeyay shirkaddaha laydhka dalka ka hawlgala.

Qoraal ay kaga jawaabayaan Masuuliyiinta Shirkadda Indhabirtu hadalkan kasoo yeedhay Wasiirka Tamarta oo ay soo gaadhsiiyeen Warbaahinta ayaa waxay ku yidhaahdeen sidan, “Hadalkii ka soo yeedhay shalay wasiirka macdanta iyo tamarta waxaan u aragnaa mid eex ah oo uu gacan saar toos ah la leeyahay shirkadda Laydhka SOMPOWER, shalay markii uu Golaha hor taagnaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa Inuu shirkaddaha Laydhka Ka shaqeeya dhex u yahay oo uu kala xadeyn u sameeyay, halka shirkadda SOMPOWER uu hadda siiyey mashruuca laydhka loogu jiidayo Madaxtooyada cusub ee Galbeedka Hargeysa, laydhkaa cusub ee ay shirkadda SOMPOWER u jidayso Madaxtooyada cusub waxay Shaqadiisa ka bilaabeen Xaafadda Shacabka gaar ahaan meel u dhaw Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland illaa haddana waxay marinayaan xadhkihii iyo birihii laynkaa cusub xaafadda BOQOL JIRE.Waxaaan u sheegaynaa, Madaxweyne Muuse, Goleyaasha Qaranka iyo shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland in Wasiirka tamartu uu yahay laba wajiile dhinac u jan-jeedha oo aan marnaba dhex u noqon karin shirkadaha laydhka dalka”.

Waxa kale oo ay  kusii yidhaahdeen Qoraalkooda “Ka shirkad ahaan diyaar baanu u nahay in aanu u hoggaansanaano shuruucda dalka iyo xukuumadaba laakiin ogolaan mayno tacadiga uu nagu hayo wasiirka tamarta Jamhuuriyada Somaliland. Maanta oo ugu danbaysay waxa saldhiga Ibraahim Koodbuur nagaga xidhnaa, shaqaalihii laydhka ee hawl maalmeedka ka shaqayn jiray”.

Dhinaca kale Shaqaale Weynaha Shirkadda indhabirta qaybta laydhka ayaa si weyn uga cawday Wasiirka Macdanta oo ay sheegeen inuu culays ku hayo oo uu Saldhigyadda ku guray iyaga oo sheegay inuu ku beegsanayo shaqada ay u hayaan shirkadda Laydhka Indhabirta oo uu si gaar ah u coleysanayo siday sheegeen, waxaana hadaladooda ka mid ahaa “Cabashadii aanu ka hadlayna illaa hadda way taagan tahay, sida aad arkaysaan dhammaan Shaqaalihii way xeraysan yihiin, dhammaanba shirkadda laydhkeedii, fidintii iyo shaqadii caadiga aheyd iyo shaqaalihiiba waa laga joojiyay shaqaddii, Cidda falkaasi nagula kacdayna waa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Meel kasta oo aanu taaganahay oo aanu isnidhaa ka shaqeeya askari ayaa na ag taagan, Waxaanu Xukuumadda ka filaynay inay shirkaddaha shaqo abuurka wada xoojiso ee kamaanu filayn inay kuwa shaqaynaya bilaa camal ka dhigno, shaqaalahayagii jeelasha ayey ku jiraan”.

Waxa kale oo hadaladooda ka mid ahaa, “Markaanu dacwoono Ciddi waxba kama qabato, markaanu isnidhaa Xadhig jiida waanu xidhanahay ba, Ama Wasiirka Tamarta ha ahaado ama ku Shirkadda Sompower ka shaqaynaya ha noqdee, intuba sida Xabagta ayey nagu dhegaan”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply