SOMCABLE

Maamulka Puntland Oo Maanta Loo Doortay Madaxweyne Cusub

Garoowe (Himilo) – Baarlamaanka Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa Maanta doortay Madaxweyne Cusub, kaasi oo shanta sannadood ee soo socda Hoggaamin doona Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) ayaa shaaciyay natiijada doorashada Madaxweynaha Puntland oo la isla soo gaadhay wareeggii saddexaad.

Wareegga u dambeeyay ee saddexaad waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Saciid Cabdillaahi Deni oo helay 35 cod iyo Asad Cismaan Cabdillaahi Diyaano oo helay 31 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Madaxweynaha shanta sanno ee soo socota Puntland uu yahay Saciid Cabdillaahi Deni oo ku guuleystay wareeggii u dambeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni  oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka, guddiga doorashada, musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii wareegii u dambeeyay la soo gaaray ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano .

“Waxaan codsanaya in gacmaha la isqabsado, doorashadii way dhammaatay, waxaa kalo si gaar ah u codsanaya in laygu soo duceeyay xilkan”. ayuu yidhi Madaxweynaha cusub, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha cusub ayaa goobta markiiba lagu dhaariyay.

Sidoo kale, waxa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland loo doortay Siyaasi lagu Magacaabo Axmed Karaash, kaasi oo xil wasiirnimo ka hayey Puntland.

21 musharrax ayaa ku tartamay doorashada Madaxweynaha Puntland.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply