SOMCABLE

Maamul Gobolleed Soomaaliyeed Oo Xayiraad Uu Hore U Saaray Ka Qaaday Dawladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya

Kismaayo, 29 August, 2019 (HOL)-Golaha Wasiirada ee Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shir ay shalay ku yeesheen magaalada Kismaayo waxay xayiraadii dhinaca socdaalka aheyd ka qaadeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Kulankan Golaha Wasiirada oo uu oo shir guddoominayey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa natiijadiisii laga soo saaray in leysku afgartay in la qaado xayiraadii hore loo saaray Masuuliyiinta Xukuumadda ee dawladda dhexe ee Soomaaliya ee ku aadaneyd in aanay magaalada Kismaayo imman karin muddadii ay ka socotay doorashada Madaxweynuhu.

Maamulka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana muddadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka Badda, Cirka iyo Dhulka oo magaalada laga xidhay.

Haddaba, Khilaafka u dhaxeeyay dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado wada shaqeyntii labada dhinac, taasoo keentay in laga mamnuuco Kismaayo Masuuliyiinta Xukuumadda Dawladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa lagu doortay magaalada Kismaayo 22kii bishan aynu ku jirno, inkastoo qallalaase ka dhashay doorashada iyo habka ay u dhacday ay sababtay in ay soo baxaan masuuliyiin kale oo iyaguna sheegtay inay yihiin Madaxweynayaal.   \

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply