SOMCABLE

“Maalintii La Qorshaynayey Hadal Badan Ayaa Iska Jiray, Oo Sidee Ayaa La Odhanayaa, Maxaa Lagu Falayaa, Maxaa Dadkii Looga Raray, Balse Maanta Waa…”-Agaasimaha guud ee Madaxtooyada

Madaxtooyada Oo Kala Wareegtay Taliyaha Ciidammada Qaranka Dhismaha Xarunta Madaxtooyada Cusub

Hargeysa, 09 Apr, 2019 (Himilo)-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Md Maxamed Cali Bile, ayaa shalay kala wareegay Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, dhismaha xarunta cusub ee madaxtooyada JSL oo ay gacanta ku hayeen muddo ciidammada Qaranka Somaliland.

Dhismahan uu la wareegay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Mudane Bile ayaa ah mid ka kooban afar kiiloomiter (4km) oo isku wareeg ah, laguna wareejiyey deyr ay dhismihiisa ay gacanta ku hayeen ciidammada qaranku, markii ay dhameeyeyna ay ku soo wareejiyeen taliyaha ciidanka qaranka oo isaguna ku wareejiyey agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Ugu horreyna waxa halkaasi ka hadlay taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Munaasibadan aan hadda joogno waxa aanu jecelnahay in aanu ku wareejino agaasimaha guud ee madaxtooyada dhismihii madaxtooyada oo aanu annagu markaa dhisaynay, maantana naga dhammaad ah, in aanu ku wareejino ayaanu maanta halkan u nimid, waxa agaasime noo sharaf ah in dhismahan aanu annagu xoog saarnay kuna faanayno dhismaha qaranka ee mustaqbalka in aanu qayb ka qaadanay, waxaanan kaa rajaynayaa in aad igala wareegto dhsimahan wixii dhimana aad adigu dhameystirto”.

Ugu danbayntiisa waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile waxaanu yidhi “maanta farxad ayey noo tahay in aanu taaganahay meel muddo yar ka hor markii la qorshaynaayey ee la taagnaa aan la filayn inay sidan noqonayso waa afar kiiloomiter (4km) haddii aad lug ku soo wareegto, maalintii la qorshaynayey hadal badan ayaa iska jiray, oo sidee ayaa la odhanayaa, xagay ka dhacaysaa, maxaa lagu falayaa, maxaa dadka looga raray, balse maanta hanti qaranku leeyahay oo dhul ah waa hantida ugu weyn ee meel taalla marka laga reebo xeryaha ciidanka, waa hantida intaa leeg oo wax walba ka dhismayaan, hadday tahay madaxtooyo ama xafiisyo dawladeed, manay suurto gasheen haddii aan ciidanka qaranku gacanta ku hayn, waayo iyaga ayaa dhisayey oo mar ilaalinayey oo mar mujtamaca meesha degan abaabulayey oo mar xidhiidh wanaagsan la yeelanayey, markaa cid kastoo kale oo mashruucaa gacanta ku hayn laheyd oo aan aheyn Ciidanka Qaranku kumay guuleysateen muddadaasi yar, waxaana halkaasi ka soo baxday in waaxda dhismaha ee Ciidanka Qaranku ay qaangaadhay oo mashaariicda kale ee dhismaha ah ee la doonayo in dalka laga fuliyo ay iyagu qaataan, markaa aad ayey u mahadsan yihiin oo Ciidanka Qaranku waanan idiinka mahadnaqayaa dedaalkaa iyo kartidaa, Waxaanan rejaynayaa in mashaariic kale oo dalka dib-u-dhiskiisa ah ayaanu wada galno Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka JSL”. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada waxa kaloo uu intaasi ku daray, “Waxa hadda inala jooga Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Md Muuse oo isaguna maanta masuuliyadeeda qaadaya oo la wareegaya ammaankeeda iyo hawsheeda sugaya oo annagu maamul guud ayuun baanu nahay, laakiin Taliye Muuse iyo Ciidankiisa ayaa hawshaasi galaya”. Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply