SOMCABLE

Ma Dhabbaa In Somaliland Ka Qaybgalayso Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland?

Hargeysa, 01 Oct, 2019 (Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dad ka socda Somaliland ay ka qayb galayaan xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee dhawaan la filayo inay ka qabsoonto magaalada Kismaayo.

Waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe uu arrintaasi kaga hadlay wareysi uu siiyey HCTV.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe,

oo ka hadlaya jiritaanka in dad reer Somaliland ahi ay ka qayb galayaan xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu yidhi, “Lix Qof ayaanu u diyaarinay oo tegaya Kismaayo oo waanu hambalyeynaynaa ciddii wax qabsatay, shan ilaa lix Qof oo Reer Somaliland ah ayaa diyaar ah ilaa tigidhadoodii oo baxayey balse iyagu waa kuwii joojiyey diyaaradihii, markaa annaga oo islahayn baxa 25kii bishan ayey dib u dhaceen balse waa la tegayaa”.

Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey inuu shaqsiyan ka mid yahay dadkaasi tegaya Kismaayo ayaa waxa uu ku jawaabay, “Maya, Aniga waxa iga soo gaadhay hawl kale oo ah soo qaadista Qoyskii uu ka geeriyooday Wiilkaygii ku dhintey dalka Suuriya”.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu si adag uga hadlay doorka ay Somaliland ku yeelan karto Maamulada Soomaaliya, “Soomaaliya waa Qabaa’il 4.5 ah markaa waa in aynu ka sameysanaa dad ogol qadiyadeena, ileyn qadiyadeenu maaha Gabadh yar oo uuraysataye, markaa waxaanu u tegaynaa Dad Soomaaliyeed waana qorshe wanaagsan oo waanu ka hadlaynaa oo Saaxiibo ayeynu ka sameysanaynaa oo waxa kale oo aanu tegaynayaa Maamul Gobolleedada kale ee Soomaaliya”. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Annagu u tegi meyno in aanu ka soo heesno ee waxaanu u tegaynaa in aanu ka soo iibino Qadiyadeena, markaa aniga la iiga baqi maayo qadiyada Somaliland”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe, muu sheegan magacyada iyo meelaha ay ka kala tirsan yihiin xubnahaasi uu sheegay inay ka qayb galayaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, laakiin se Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ilaa hadda ka hadal arrintaasi iyo siday u aragto.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply