SOMCABLE

Libaax Dilay Nin Muddo Dheer Rabbaysanayey

Czech, 6 Maarij, 2019 (Himilo) – Michal Prasek ayaa gurigiisa oo ku yaalla bariga dalka Czech Republic ku carbinayay libaaxan oo 9 sano jir ah iyo libaax kale oo dhedig ah, waxaana maalmhii dambe soo badanayay walaac ay dadka deegaanka ka muujinayeen libaaxyada.

Patric Aabihii ayaa meydkiisa ka helay xerada uu libaaxa ku jiray, waxaanu warbaahinta maxalliga ah u sheegay in uu albaabka ka xidhnaa dhanka gudaha ah.

Libaaxyada ayaa ku noolaa hal xero, balse mid kasta waxa uu ku jiray meel gaar u ah, waxaana toogtay booliskii lagu wargaliyay dhacdada oo goobta yimid.

Afhayeenka booliska dalka Czech Republic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay ahayd lagama maarmaan in la toogto libaaxyada si meydka ninka looga soo saaro gudaha xerada.

Mr Prasek oo 34-sano jir ahaa ayaa libaaxan dilay soo iibsaday sannadkii 2016-kii, halka kan kalena uu soo iibsaday sannadkii hore. Mar sii horreysay ayaa ninkaan la ganaaxay kaddib markii lagu soo eedeyay in uu si sharci darro ah u carbinayo libaaxyada sababtoo ah ma aanu haysan ogolaansho. Balse markii dambe khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo maamulka ayaa xal laga gaadhay kadib marki Mr Prasek uu diiday inay cid soo gasho gurigiisa.

Mr Prasek ayaa qabsaday bogagga hore ee warbaahinta kadib markii xagaagii hore uu nin baaskiil wado uu ku dhacay libaaxa oo uu banaanka u soo bixiyay si uu soo socodsiiyo.

Markii ay booliska soo dhex galeen dhacdadaasna waxaa dhacday in kiiska laga dhigay shil ay sababtay saxmad.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply