SOMCABLE

Lammaane Rubuc Qarni Kala Weyn Oo Isguursaday & Jaceylka Oo Sababa Mucjisooyin Layaab Leh !

Run ahaantii dadka faalleeya jaceylka waxa ay isku raaceen in dareenka jaceylka ah ee lammaanuhu isku qaadaan uu qof ka dhigo mid indho’la dhego’la taasoo macnaheedu yahay in qofkaasi aanu arkayn qofka uu jecel yahay mooyaane sidoo kale aanu talo iyo waano iyo hadal ka maqlin qofka uu jecel yahay mooyee qof kale.

Jaceylku kuma xidhna da gaar ah oo xaddidan waxaana arrintaasi xaqiijiyey arooska lammaane da’doodu kala weyn tahay 56 sanadood inuu ka dhaco Dalkaasi.

Indonesia, arooskan ayaa waxa ku midoobay oo nolosha ku waddaagay gabadh u dhalatay dalkaasi oo magaceeda la yidhaahdo Nuraini oo da’deeduna tahay 27 jir waxa aanay qiratay inay jeclaatay Sodergo oo da’diisu tahay 89 jir.

Nuraini ayaa sheegtay in ay jeclaatay Sodergo markii ugu horreysay ee ay aragtay waxa aanay sidoo kale sheegtay in markii ugu horreysay ee ay aragtay ba Sodergo ay aheyd xilli ay la socotay waalidkeeda oo soo booqday guriga Sodergo.

Sodergo ayaa  markii uu ogaaday jaceylka ay u qabto Nuraini waa uu la qaatay waxa aanu isla markii ba ka soo doonay qoyskeeda oo ay marka hore ba is yaqaaneen, Nuraini ayaan ka laba lugoodin doonistiisa waxa aanay markii ba ogolaatay arooskaasi sidaasi ayaa waxa nooloshu ku waddaagay lammaane  da ahaan kala wey 56 muddo ka badan rubuc Qarni.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply