SOMCABLE

Labbiskii Cusbaa Ee Imbaraadoorka-By Hans Christian Andersen, waxaana tarjumay Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Bari hore waxa jiri jiray Nin Imbaraadoor ahaa oo labbiska cusub aad u jeclaan jiray, Dan kamuu lahaan jirin arrimaha taagan ee hadba lasoo darsa Imbaradooriyada uu xukumo, dagaallada lagu jiro, tirada ciidammada ee kaga dhinta, iyo duruufaha nololeed ee ay la noolyihiin dadka uu u taliyo. Wuxuu dadka usoo bixi jiray uun maalinta uu xidho dhar cusub oo loo soo tolay. Waxa la sheegaa inay maalin walba dawaarlayaashu saf usoo gali jireen, si ay ugu soo bandhigaan hadba labbisyada ay faraha ka qaadaan.        Maalin maalmaha ka mid ah waxa soo baxay, laba nin oo u sheegtay dadka, inay yihiin dhar tolayaashii ugu farsamada fiicnaa adduunyada, kuwaasi oo u yimid sidii ay Imbaraadoorka ugu samayn lahaayeen labbis aan wali loo tolin boqor kale oo adduunyada ku nool.

Haddii ay u yimaadeen Imbaraadoorkii, waxay u sheegeen inay u samayn doonaan dhar mucjiso ah, oo aanay harqadda laga tolayo ay tahay mid aanay arki karayn kuwa haya xilal aan u qalmin, ama aan ku habboonayn.

“Dharkani waaba mid la yaab leh” ayuu yidhi Imbaraadoorkii.   “Oo markaan sidaa u xidhaba waxaan ogaan doona ragga ka tirsan Imbaraadooriyaddayda ee aan u qalmin xilalka ay hayaan, maantaan kala saari doonaa kooga caqliga badan iyo kooga doqonka ah, wax badan bay I hallawsadeen oo ay qaar badan iskaga kay dhigeen talo-ruug”.

Imbaraadoorkii lacag ciidaasi leeg ayuu ku tisay labadii nin, si ay markiiba shaqada u bilaabaan. Iyaguna markiiba hawshii gale. Mid ka mida oo iska dhigayay inuu harqaddii mucjisada ahayd sido, ayaa iska dhigay inuu miiskii ku kala fidinayo, kii kalena waxaabu mittirinayaa miiskii madhnaa, kadibna miiskii lalahaa harraaq baa saaran ayuu qallin kolba dhan u dul marinayaa isagoon taabsiinayn, haddana maqas ayuu hawada raacinayaa, isagoo iska yeel-yeelay sidii nin kolba dacal soo qabanaya marrada oo haddana isku laabaya. kadibna wuxuu ula dhaqaaqayaa kii kale oo makiinaddii dawaarka dul fadhiyay. Waxay iska dhigeen kuwa mashquulsan,
“dahabkii mee aan ku tolee,”
“waa tanee hoo”,
“meeday xarriirtii ugu qaalisanayd aan ku taxee”, iyo waa kanee hoo.
Waxay labadan xariif isku fid-fidinayaan waa faro madhan. Waxay se mattalayaan dhaq-dhaqaaqii iyo wadashaqayntii ay lahaan jirtay, hawl kasta oo dhar tolid ahi.

Imbaraadoorkii oo doonayay inuu soo ogaado, halka ay hawshii marayso ayaa haddana xasuustay sheekadii ahayd “Waxa labbiskan arki karaa uun kuwa u qalma xilka ay hayaan” Waxaa bu ka baqay inuu isaga laftiisu arki kari waayo labbiskaasi. Wuxuu ka warwaray labbiskaasi la sheegayay, ee ay cid waliba hadal hayso, ee la wada doonayo in lasoo bandhigo. Xattaa dadkii jaararka ahaaba, isku carinaya, oo leh, inta labbiskaasi Imbaradoorku soo baxayo ayaa ka hadhsan, inta la ogaanayo doqonniimadaada.

Imbaraadoorkii ay talo ku ciirtay, oo goonidiisa iskula hadlaya,

“Waxaan u diri doonaa ninka ugu daacadsan, ugu waayo-aragsan, uguna caqliga badan la taliyayaashayda”, ayuu isku yidhi. Haddana wuxuu isweydiiyay ninkaasi kuu yahay, waxaanu si hoose isku leeyahay “Waa kuma ninka ugu macquulsan, ee la isla wada qirayo in aanay jirin cid kaga habboon xilkiisa?”.

Dadkii ka ag dhawaa ee uu xilalka muhiimka ahaa uu u dhiibay, ayuu maskaxdiisa ka wada xaadiriyay, waxaanu ka dhex xushay ninkii uu u diri lahaa Labis-tolayaashii. Odeygii caqli wanaagga iyo waayo-aragnimada loo tirinayay haddii uu tegay halkii loo diray oo uu galay hoolkii ay labada xariif ay labbiska beenta ah ku tolayeen, Wuxuu arki waayay wax maro-sheegta oo meesha ka muuqata, “Mee wixii la sheegayay ee ay lahaayeen waanu tolaynaa, hal dun ah oo ii muqataaba meesha ma taallee”, ayuu cod hoose isku yidhi, isagoo indhaha galka ka soo saaray. Labadii khaayin, markay odaygii arkeen, ayaa bay salaan iyo baashiraad kala hor yimaadeen, waxay hadal darrandoori ah loo boobeen Odeygii oo ay gacanta qabteen, iyagoo leh naga eeg labiskaanu tolnay, waxay dul keeneen miis dheer oo aanay waxba ka muuqan dushiisa. Mid ka mida ayaa ku yidhi sug aan kala bixiyo labbiska’e, kadibna intuu sidii oo uu wax ka dul qaadayo miiska ku foorarsaday ayuu haddana sidii oo uu kor u hayo labbiskii ayuu gacmihiisa kor u qaaday, kadibna kala bixiyay. Kii kale oo harreer taagan ayaa odaygii ku yidhii  “Bal eeg dharkaan tolnay !, ma ku cajabiyay midabkoogu?, Ka warran luulka aanu luqunta iyo garbaha kaga taxnay?, Ka warran sidaanu xarriirtaasi ugu  jeeniqaarno koodhka”,

“Miyaanay dunta midabkaasi leh indhaha soo jiidanayn !”.

Huuhaadii darrandooriga ahayd ayuu odaygu kolba mid is yidhaahdaa bal tanna arag oo uu indhaha marba-marka dambaysa ku caddeeyaa halka madhan ee ay farrahoodu marayaan.

“Yaa, oo kaallay ma sidana iga dhab ah”, ayuu isyidhi, “Oo ma anigaa doqonkii la sheegayay noqday?, Oo haddaan anigu arki waayey, yaa kale ee arki doono toloow?, Xattaa anigu haddaan is ogaan waayey oo ay caqli yaraan iga ahayd taasi, maxaan u waayey cid kale oo ogaata xis gaabnidayda?, Xattaa Imbaraadoorkana dhahoo?, Markaas ma maantaan isfashilaa oon idhaahdaa waxaan arki waayey labbiskii mucjisada ahaa, maya isa sheegi maayo oo odhan maayo waan arki kari waayay.

Nimankii oo eegaya odeygii oo isku maqan, hoosna u tallamaya, wax jawaab ahna aan wali ka helin, ayuu mid ka mida ku yidhi “Xaaji miyaad la ashqarraartay labbiska, maxaa ku aamusiiyay, wali noomaad sheegin inaad la dhacday dharkan aanu Imbaraadoorka u tolnay iyo in kale eh”, isagoo dareenkiisa soo celinaya.

“Alla waa heer sare, waligayba maan arag kuwan oo kale”, ayuu lasoo booday odaygii, isagood moodo inuu su’aasha ku ambabaray.

“Haa, midabka aad sheegaysay ee sidaas ah ayaa Imbaraadoorka maraya, Farshaxnnimadiina waan hubaa inuu la dhici doono, markaan u sifeeyo. Bal iigu celi farshaxannimadii, aan isla sidaad u sharraxday ugu sharraxee”.

Haddiiba ay dib u bilaabeen, inay bandhigii ku celiyaan, wuxuu odaygii isku dayay inuu eray eray u xafido tilmaamihii ay ka bixinayeen Labbiska ay diyaariyeen, Cabirradii, midabaddii, maryihii kale duwanaa ee ay ku kale taxeen, kuway ka luleen, liidadkay u samaynayeen iyo wax kastaba. Talooyinkii ay weydiinayeen ee ay ku lahaayeen haddaanu halkaas sidaas ka dhigno ka warran, waabu ku raacay oo madaxuu u lulay.

Odeygii kusoo noqay Qasrigii Imbaraadoorka wax walbana ugu sheeg sidii loogu soo bandhigay. Imbaraadoorkii kumuu qancin sheekadii uu ka gurayay odeygii sahanka u ahaaye, wuxuu  haddana mid kale oo raggii uu garashada ku tuhmayay ka mida uu u diray, halkii labbisku ay hawshu socotay, si uu usoo hubiyo waxaan uu odaygu ka warramay. Isna markii uu kusoo noqday, warkii odayga mid la mida ayuu u sheegay,

Imbaraadoorkii oo is hayn kari la’ oo doonayana inuu ka sal gaadho warkan la siiyay, ayaa isasii daayay si uu usoo arko mucjisadan ay raggiisu isku raaceen. Wuxuu kaxaystay labadii nin ee u akiday inay soo arkeen labbiskii oo diyaarsan, iyo dhawr nin oo uu kaga kalsoonaa inta kale. Markay arkeen Nimankii dhar tolayaasha ahaa Imbaraadoorkii oo xaggooga usoo socda ayey iska dhigeen kuwa mashquulsan oo laab-laabaya Labbiskii beenta ahaa, Miyaanay farsamadoodu cajiib ahayn ayuu yidhi, mid ka mida raggii sahanka ahaa ee hore loo soo diray.  “Haddii aad Mudane aragtid, sida layaabka leh ee ay waliba kuugu qiyaaseen, una garteen dookhaaga, wax kale ka sheekayn maysid baryahan”.

Imbaradoorka laftiisiiba, ayaa wajiga isgaliyay oo is yidhi “Waa sidee”, “Oo ma anigaaba noqday kii la sheegay ee aan arki karayn Aaa, een xilkiisa u qalmin, “Maya”, inta uu dhoolla caddayn been ah muujiyay ayuu isagoo jaahwareersan ku dhawaaqay, “Alla, waar cajiibsanaa!,

waligayba maan arag cid sidan wax u tosha, tolmihiinu waa heer sare ah”.

“Sidaa ayaan ku aqbalay, oon idinkaga guddoomay”, Ayuu raaciyey imbaraadoorkii, isagoo wali indhaha ku haya, halkii looga tilmaamay inuu Labbiska ku diyaarsanyahay.  Mid kastoo la socday wuxuu indhaha ku mudayaa halkii madhnayd, isagoo aad moodo inuu  indhihiisa qasab kaga doonayo inay tusaan waxaan meeshaba oollin. Midbaa ba mar-maranaya indhaha oo haddana markuu ka war helo mid kale oo hoosta ka eegaya, isku naxaya oo odhanaya “Labbiska widh-widhkiisa ayaa indhaha iga qabtay”. Boqorkii ayay ku yidhaahdeen bal isku eeg, kadibna inta uu iska bixiyay maryihii uu xidhnaa oo isku soo reebay intuu hoosta ka gashanaa, ayay labadii xariif iska dhigeen kuwa u galinaya Labbiskii beenta ahaa, Wuxuu mid ka mida labadan tuug iska dhigayaa mid kolba soo qabanaya waxa loo baahanyahay ee Imbaradoorka loo xidhayo, halka uu kan kalena uu iska yeel-yeelayo sidii mid kolba u galinaya shayga loo dhiibayo oo waxaa bu leeyahay kolba gacan keen, haddana lug keen, Haddii Koodhkii loo xidhay, iskaafkii oo u dambeeyayna luqunta uu ugu duubay, ayuu dib uga baxay oo iska dhigay mid eegaya sida uu ugu soo baxay Imbaraadoorku labbiska cusub.

“Cajabeey, bal hannaanka iyo haybadiisa eega”, ayuu ku yidhi nimankii Imbaraadoorka la socday.

Wuxuu Imbaraadoorkii usoo kexeeyay Muraayad weyn oo la isku arki karo dul iyo hoos, oo siijeed iyo soojeedba iskaa tusaysa. Waxaanu Imbaraadoorkii qaawanaa, uu isku daawadsiiyay Muraayaddii, Kaasi oo isdiidsiiyay muuqaalkiisa dhabta ah ee ka hor muuqda, balse bilaabay inuu kolba dhinac iskaga eego muraayadda, naxdintiisana ku qarinayaa qosol aan ka tarjumayn xaaladdii uu saacaddaasi ku sugnaa.

Ma jiro qof qudha oo intii meesha joogtay ka mida oo qiran kara in aanu arkayn Labbiskan beenta ee la leeyahay Imbaraadoorkaa loo xidhay, waayo waxay ka baqayeen inay xilkooga waayaan, ama ay halkaasi ceebi ka raacdo.

Waxa mar qudha u baxay uugaan iyo sawaxan, waaba magaaladii oo oodaheedii waddata, Markay dadku maqleen in Imbaraadoorkii uu labbiskii soo gashanayo, ayaa bay sugi kari waayeen, una soo baratameen halkii dharka lagu diyaarinayay.

Labdii khaayin, ayaa Imbaraadoorkii kula taliyay inuu usoo baxo dadka oo uu la dhex maro Labbiskan mucjisada ee ay u xidheen.

Imbaraadoorkii ayaa ba loo sii galbiyay xaggii dadku ku xoonsanaa, isagoo qaawan oo maryihiisii hoose uun xidhan, isku qanciyay inuu xidhanyahay Labbis aan la arag. Wuxuu dhex lugaynayaa jidadka waaweyn ee Magaalada, isagoo luqunta taagaya, oo aanay kaba qasnayn. Dadweynuhu waxay carruur iyo ciroole ba, ragga iyo dumar ba ay harreer tubanyihiin waddooyinka Magaalada, qof kasta oo uu la simanyahay Imbaraadoorkuna wuxuuna ku dhawaaqayaa “Qurux badana Labbiska ImbarAadoorku”, isagoo isdaadraacinaya, naftiisana hafraya.

“Oo ma isagaa waxba xidhanba?”, oo cod dheer ah, ayaa laga dhex maqlay dadka dhexdiisii, Waa gabadh da’deedu aad u yartahay, oo aabaheed gacanta hayo, cidda is-hayn kari wayday ee dareenka dadka soo wada jeedisay. Bal dhegaysta wuxuu sabigan yar een dambi ba lahayni uu ku dhawaaqay?, ayuu yidhi Aabaheed isagoo ku faanaya yartiisa. Maxay tidhi?, ayuu ku kale ku dhawaaqay, Dadkii oo u jawaabaya, ayaa hal mar ku wada dhawaaqay, iyagoo ku cel-celinaya:

“Ma isagaa waxba xidhanba”.

“Ma isagaa waxba xidhanba”.

“Ma isagaa waxba xidhanba”.

Imbaraadoorkii ayaa isku yax-yaxay, oo naxdin iyo khajilaad la garriiray, Gartayna inay run tahay waxay dadku sheegayaan oo uu Qaawanyahay. Balse wuxuu go’aansady inuu iska xamilo illaa inta lala soo gaadhayo Kursigii Qafilnaa ee qasriga lagu geyn jiray.

 

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply