SOMCABLE

Laba Xildhibaan Oo Laga Hor Istaagay Fadhigii Golaha Deegaanka Gabiley & Maayirka Oo Ka Hadlay 

Gabiley, 17 March, 2019 (Himilo)-Kalfadhigii 17aad ee Golaha Deegaanka Gabiley ayaa shalay laga hor istaagay laba xildhibaan oo ka tirsan Golahaasi, isla markaana Maayirka Degmada Gabiley ayaa sheegay in loo cuskaday go’aan Guddi oo anshax marin ah.

Ugu horreyn, Xildhibaan Iid Xasan Cabdi ayaa ka warramay sida looga hor istaagay amase loogu diiday inay fadhiga golaha ka qaybgalaan, waxaanu yidhi “Sidii caadada aheyd waxa la noogu yeedhay oo warqad la iigu keenay inaanu ka soo qayb galno Kalfadhigii 17aad ee Golaha Deegaanka Gabiley, sidaasi awgeed saaka (Shalay) sideedii subaxii ayaan immi xaruntii Golaha, balse waxa la igu yidhi Amar ayuu Maayirku na siiyey oo ma soo geli kartaan adiga Xildhibaan Iid iyo Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor”.

Xildhibaan Iidoo la weydiiyey in Guddiga Joogtada ahi hore ugu wargelisay in la anshax marinayo ayaa waxa uu ku jawaabay, “Aniga, wax qoraal ah oo gaar ah oo laygu anshax marinayo la iima keenin oo ma arag ee waxa la ii keenay oo keliya warqada ka soo qaybgalka kalfadhiga ah, markaa Anigu ma garanayo wax laygu anshax marinayo oo aan galnay”. Xildhibaan Iid waxa kale oo uu tilmaamay sababaha uu filayo in loogu diiday kalfadhigan, “Anigu sabab laygu diiday ma garanayo, laakiin Maayirka ayaad kursiga ku haysataa ayaa laygu diiday ama Maayirnimo ayaad doonaysaa ayaa laygu diiday, balse immika waqtigii ba wuu naga dhammaaday”.

Dhinaca kalena, Maayirka Degmada Gabiley Mudane Maxamed-Amiin Cumar Cabdi                       ayaa ka warramay sababaha labadan Xildhibaan loogu diiday inay ka qaybgalaan Kalfadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka, waxaanu yidhi “Way jirtaa arrintaasi oo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Deegaanka isla markaana ah Guddiga anshaxa ee Golaha ayaa waxa soo gaadhay dacwad la xidhiidha labada Xildhibaan (Mustafe iyo Iid), markaa go’aan qoraal ah oo Guddigu siisay labada Xildhibaan ayaa jira oo kalfadhiga lagaga hakiyey inta ay guddigu gacanta ku hayso arrintooda, waxaana guddiga loo sameeyey in wixii Golaha liddi ku ah ee ka yimaada Xildhibaanada inay go’aan ka qaataan,

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply