SOMCABLE

Kuwiat: Nin Iska Dhigay In Uu Ka Mid Yahay Ciidammada Ammaanka Oo Af-Duubay Shan Gabdhood Oo U Dhashay Dalka Hindiya !

Nin u dhashay Dalka Kuwait ayaa waxa uu ku kacay fal aad u layaab badan kaasi oo la sheegay in uu kula kacay haween u dhashay Dalka Hindiya oo Dalkaasi ka shaqeysta.

Sida lagu baahiyay Wargeyska Al-rai ee dalkaasi ka soo baxa ninkan ayaa waxa uu iska dhigay in uu ka mid yahay ciidammada Ammaanka isla markaana waxa uu gabdhahaasi ka dejiyay gaadhi Taxi ah oo saarnaayeen.

Balse arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxa ay noqotay in gabdhahaasi ay ka soo baxsdeen ninkaasi budhcadka ahaa isla markaana waxa ay ku war galiyeen ciidammada ammaanka ee dalkaasi kuwaasi oo haatan ku hawlan sidii ay dambiilahaa gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply