SOMCABLE

Kuuriyada Woqooyi Oo Gantaallo Cusub Tijaabisay & Saameynta Uu Ku Yeelan Karo Wada Hadalkii U Dhexeeyey Maraykanka

Seoul, 05 May, 2019 (Himilo)-Dawladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa shalay sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay tiro gantaalada nooca riddada gaaban ah. Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii u dambeysay ee Kuuriyada Woqooyi ay qaado ka dib markii uu burburay wada hadalkii nuclear-ka ee Maraykanka iyo iyada u dhexeeyey.

Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tuurtay gantaalo xidhiidh ah oo ay ka soo gantay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Wonsan, in yar ka dib 9 aroornimo ee xilliga dalkaas.

Faahfaahin kale oo dheeraad ah lagama bixin gantaalada, hase yeeshee, gantaalada riddada dhawi xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada ee K. Woqooyi.

Dhinaca kalena, Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaan ka hadlin tijaabadan.

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply