SOMCABLE

Kuuriyada Waqooyi Iyo Mareykanaka Oo Wada hadallada Dib U Billaabaya

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay iney dib u billaabayaan wadahadalladi hakadka uu galay oo ku saabsanaa Nukliyeerka, iyada oo lagu wado iney labada hoggaamiye ay ku kulmaan dalka Sweden.

Wada hadalkii ugu dambeeyey ee dhex maray Madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim wuxuu ku soo dhammaaday afagarasho la’aan.

Wixi intaa ka dambeeyey labada dalba waxay marar badan sheegayeen iney doonayaan wada hadallada iney dib u billaabaan, balse ma jirin tallaabbo loo qaaday wada hadalladaasi.

Wada hadalka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii ay Kuuriyada waqooyi tijaabisay gantaal kuwii hore ka duwan oo ay riddadiisu dheer tahay.

Gantaalkan ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay oo ay badda ka waxa sida oo kale laga ridi karaa markabka gujiska.

Tijaabadan cusubna waxa la sheegay iney caddeyn u tahay Kuuriyada Waqooyi inay awood u leedahay iney gantaalla ka riddo meel ka baxsan dhulkeeda.

Kuuriyada Waqooyi oo ay cunaqabateen saartay Qaramada midoobay si ay u isticmaalin gantaallada riddada dheer ayaa cunaqabateenno kaa la mid ah ay saartay dowladda Mareykanka.

Labada hoggaamiye kulankoodan cusub wuxuu ka dhacayaa magaalada Lidingo oo ku taalla Waqooyi-Bari ee caasimadda dalka sweden ee Stockholm.

Kulankan looga gogol xaadhayo labada hoggaamiye iney kulmaan waxa ka qayb galaya dhanka Mareykanka Ergeyga gaarka ee Mareykanka u qaabilsan Kuuriyada waqooyi Stephen Bigen iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Gil.

Tijaabada gantaalka cusub:-

Kuuriyada Waqooyi ayey suuragal tahay inay xeebteeda ka gantay gantaallo ridda dheer, sida ay ku warramayaan saraakiil u dhalatay Kuuriyada Koonfureed.

Gantaallada ayaa loo malleynayaa in laga gannay meel u dhaw magaalada dekadda leh ee Wonsan, waxayna socdeen ilaa 450km ka hor inta aanay ku dhicin badda Japan.

Millateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalladu ay sare u kaceen ilaa 910km.

Tijaabada ayaa waxa ay immanaysaa saacado kaddib markii Pyongyang ay sheegtay in wadahadallada ku saabsan sidii lagu baabiin lahaa nukliyeerkeeda ee ay Mareykanka kula jirto ay ugu dambayntii dib u bilaaban doonaan Jimcaha.

Wararka waxay soo ifbaxeen markii mas’uuliyiinta ay ku warrameen in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay hubka mid ka mid ah gantaalkana uu ku dhacay badda Japan.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe wuxuu cambaareeyay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo uu ku sheegay inay ahaayeen labo gantaal, xukuumadda Tokyo waxay sheegtay in mid ka mid gantaallada uu kusoo dhacay biyaha Japan gaar ahaan aagga gaarka ah ee dhaqaalaha.

Abe wuxuu weriyeyaasha u sheegay in tijaabada gantaallo noocaas ah ay kasoo horjeedo qararka Qaramada Midoobey.

Dhanka kale, millatariga Kuuriyada koonfureed waxay sheegeen in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay ugu yaraan mid ka mid ah gantaallada riddada gaaban kaaso oo ay u gantay dhinaca badda bariga ku taalla ee gacanka Kuuriya.

Afahayeenka dowladda Japan Yoshihide Suga wuxuu ka dhawaajiyay inay u muuqato in labo gantaal ay kuuriyada waqooyi tijaabisay mid ka mid ah uu ku dhacay badda Japan.

Tijaabadan hubka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa immaneysa saacado kaddib markii xukuumadda Pyongyang ay shaaca ka qaaday in wahadallada ku saabsanaa barnaamijka nukliyerka ee lagu waday inay dhexmaraan Mareykanka ay dib u bilaabmayaan dabayaaqada toddobaadkan.

Himilomedia.Com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply