SOMCABLE

KULMIYE Oo Caydhiyey Saddex Siyaasi Oo Muddo Dheer Ka Mid Ahaa

Hargeysa (Himilo) – Guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE ayaa go’aan ay soo saareen waxay Xisbigaasi kaga saareen Xubnaha kala ah Prof Cabdi Cali Jaamac, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire) iyo Cismaan Axmed Maxamed, kuwaasi oo muddo dheer ka mid ahaa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa Qoraal uu soo saaray Maanta wuxuu ku sheegay in Guddiga anshaxa ee Xisbiga KULMIYE u soo gudbiyeen Guddiga fulinta in saddexdaa Xubnood jabiyeen Sharciga Xisbiga, sidaasi darteedna ay Guddiga fulintu go’aameen in Xubinnimada Xisbiga lagala noqdo.

Halkan Hoose ka Akhriso Go’aanka Xubnahaa lagaga saaray Xisbiga KULMIYE

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply