SOMCABLE

Kulan Sagootin Ah Oo Loo Sameeyey Kontonkii Arday Ee Ku Guuleystay Imtixaankii Shaqooyinka Gobolka Sanaag

“Hadii Laba Walaalo Ahi Helayaan, Waa In Aqoon Lagu Tartamo, Wuxuu Ahaa Hal-Hays Iyo Hiigsi In Badan La Rajaynayey In Dalku Gaadho, Waxaana Maanta Wada Guulaystay Axmed Iyo Faadumo Oo  Labo Walaalo Ah…” Guddo. Sharmarke Geelle

Hargeysa, 02 Dec, 2018 (Himilo)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa kulan sagootin ah magaaladda Ceerigaabo kula yeeshay 50-kii qof ee wiilasha iyo Gabdhaha iskugu jiray ee ku soo baxay Imtixaankii tartanka ay reer Ceerigaabo iyo deegaanadda hoos yimaada ugu galeen Kaalmihii shaqo ee dawladdu xulanaysay inay shaqaalaha dawladda ka bannaan buuxiyaan.

Guddoomiye md Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle ayaa shalay Magaaladda Ceerigaabo kulan sagootin iyo dardaaran ahaa la sii qaatay 50-ka qof ee ku guuleystay Imtixaankii aqoonyahanka bulshada gobolka Sanaag ku dhaqan halkaasi loogu qabtay inay u galaan shaqooyinka dawladdu qaadanayso, ayaa 50-kii qof ee ku guuleystay oo nasiib wanaag laba qof oo walaalo ah oo Wiil iyo Gabadh ahi ka mid yihiin waxa uu siiyey dardaaran, kaasoo uu dhammaantood shaqooyinka ay hay’addaha iyo wasaaradaha dawliga ah ee ay ka hawlgeli doonaan 50 muwaadiniin ee aqoonyahanka Gobolka Sanaag ka soo jeedo uu Md Sharmaarke Geelle ugu duceeyey uguna Hambalyeeyey in ALLE ku guuleeyo.

Md Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo u jeediyey hadal guubaabo iyo hambalyo isugu jira ee uu la sii yeeshay 50-ka qof ee ku guulaystay Imtixaankii reer Ceerigaabo u galeen kaalmaha shaqooyinka dawladdu qaadatay ayaa waxa uu yidhi, “Illaahay fadligii tartantii dhawaan ka qabsoomay Gobolka Sanaag, waxa wada guulaystay; Axmed Maxamed Jaamac iyo Faadumo Maxamed Jaamac oo ah laba walaalo ah, waxaanan leeyahay  Hambalyo dhammaan guulaystaayasha 50-ka ah iyo intii calafku doorkan u qorin”

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland Md Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu intaasi ku daray, “Haddii Laba Walaalo Ahi Helayaan, Waa In Aqoon Lagu Tartamo, Wuxuu Ahaa Hal-Hays Iyo Hiigsi In Badan La Rajaynayey In Dalku Gaadho, waxaana ballanteenu tahay “Qalin aan Qabiil ku Xidhnayn”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply