SOMCABLE

Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranku Muxuu Ka Yidhi Eedaymo Loogu Jeediyey Ka Qayb-galka Furitaankii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye ?

Hargeysa, 6 Maarij, 2019 (Himilo) – Xeer-ilaaliye ku-xigeenka guud ee Qaranka, Axmed Cismaan Mire ayaa ka jawaabay eedaymo uu u soo jeediyey Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, eedaymahaasi oo ahaa in isaga oo Xeer ilaaliye ah inuu ka qayb-galay Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye.

War-saxaafadeed uu doraad Magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi ayuu ku sheegay in Xeer-ilaaliye ku-xigeenku uu ku gefay sharciga dalka u yaalla, isagoo Garsoorka Dalka ka mid ahna uu ka qayb-galay Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu soo jeediyey in Tallaabo Sharciga waafaqsan laga qaado.

Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Qaranka Somaliland, Axmed Cismaan Mire oo Shalay Telefiishanka Eryal Waydiiyey sababta uu Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye uga qayb-galay ayaa ku jawaabay “Maalintii koowaad ayaa la igu Marti-qaaday Shirka, Maalinta koowaadna ma ahayn Maalinta Shirka Golaha dhexe ee waxay ahayd furitaan uun, sidii baanan ku galay, Aniguna ma ihi Qof ambad ah ee waxaan ahay Oday 50 sano ku dhawaad soo shaqeeyay. “

Xeer-ilaaliye ku-xigeenku wuxuu sheegay in Dadka isaga eedaynayaa ay ujeeddooyin kale leeyihiin “Cidda waxa waxan waddaa waxay ku doodeen oo aan Qoraalkooda ku arkay Golaha dhexe ayuu ka tirsan yahay oo xisbiga ayuu ka mid yahay, ha keenaan Cadddayn meesha aan Xisbiga ku ahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xafiiska xeer ilaalintu waa xafiiskaa Ummadda u dhexeeya, dhinacna waa ka Dawladda, dhinacna waa ka garsoor, intaa Qodob ee ay cuskanayaan, intaa in leeg oo noo fasaxaysa wax kasta oo hawl Qaran ah oo Ummadda loo hayo (inaan joogno), Xisbiyada Qaranku waa Xisbiyadii Qaranka, nagama xidhna, markaa Kaadh Casuumad ah ayaa la iigu keenay Anigoo halkaa dan u tagay (Boorama), laakiin Xisbi kuma jiro. Saddexda Xisbi waxaanu u nahay Xeer-ilaalin, Muwaadiniina waanu nahay, waaa Dalkayagii, laakiin wakhtigaa xaggaa kamaan fikirayn ee waxaan ka fikirayey Ixtiraamka la i ixtiraamay.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply