SOMCABLE

Korneyl Caarre Oo Soo Bandhigay Natiijada Uu Ka Filayo Nabadgelyo Waarta & Qodobada Heshiis Ah Ee Ay Isla Qaateen Odey Dhaqameed Ergo Ah 

“Odeyaashaydu Miiska Wada Hadalka Ayey Geynayaan Oo Madaxweynaha Ayey Hor Dhigayaan Wixii Ka Soo Baxana Waan Sugayaa Haddii Alle Yidhaa…”-Korneyl Caarre

Sanaag, 15 August, 2019 (Himilo)-Sarkaalkii hore uga goostay Ciidammada Qaranka Somaliland ee Korneyl Siciid Cawir Caarre ee Hoggaamiya Jabhad hubeysan oo haatan ku sugan Buuraleyda Gobolka Sanaag ayaa markii ugu horreysay ka warramay qorshihiisa nabadeed iyo dareenka uu ka qabo shaqaaqooyinka colaadeed ee ka dhaca Degmada Ceel-Af-Weyn, iyo waliba heerka waanwaanta iyo doorka Odey dhaqameedada ku guda jira.

Arrimahaasi iyo kuwo kale ba waxa uu Korneyl Caarre kaga hadlay Wareysi gaar ah oo uu khadka Taleefanka ku siiyey HCTV.

Ugu horreyna, Korneyl Caarre ayaa diiday inuu lug ku lahaa shaqaaqadii ka dhacday Ceel-Af-Weyn waxaanu yidhi, “Dagaalka Ceel-Af-Weyn waa mid naga horreeyey oo ilaa dawladdii Madaxweyne Silaanyo ku sugan oo xagayaga waa ka madax bannaan yahay waxaanu salka ku hayey Masaajido iyo Ceelal la dumiyey, markaa wax lug ah kuma lihin oo anigu si badan ayaan uga hadlay, immikana waxaan leeyahay dabku ha qaboobo oo Beeluhu ha wada yaaliin waa labadii Gacmoode oo wax ay kala riixanayaan ma jirto oo meel ayuu Ilaahay ku wada abuuray oo ay ku wada nool yihiin, waxaanan leeyahay Ilaahay ha qaboojiyo oo lugna kuma lihi”.

Caarre waxa kale oo la weydiiyey halka ay marayaan waanwaantii nabada lagu raadinayey ee ay Odey dhaqameedadu ugu tageen Jabhadaasi, “Odeyaashu Madax dhaqameedkaygii ayey ahaayeen oo waxa ku jiray Guddigii Beesha Garxajis, markaa waxaanu isla qaadanayey in nabadgelyo lagu wada hadlo oo Xabad joojin la sameeyo, wixii faahfaahin ah iyo qodobadii heshiiska iyo barnaamijkii aan ka hadlayeyna iyaga ayaan u dhiibay, muddo iyo waqtina waanu qabsanay oo waan ka sugayaa”. Waxa uu intaasi ku daray, “Odeyaashaydu Miiska wada hadalka ayey geynayaan oo Madaxweynaha ayey hor dhigayaan wixii ka soo baxana waan sugayaa haddii Alle yidhaa”.

Sidoo kale, Caarre oo la weydiiyey tallaabada xigta ee uu qaadayo haddii waanwaantaasi la waayo ayaa waxa uu ku jawaabay, “Bismillaahi, inay timaado ayaa taasi ka wacan oo ciddi kama sheekeyso wax Ilaahay ku maqan, balse markay timaado ayaa taasi immanaysaa”.

Caarre waxa kale oo la weydiiyey inay wararka sheegaya inay Xukuumaddu dalbanayso inuu marka hore isa soo dhiibo oo maxkamad la saaro, kadibna Madaxweynuhu cafis u fidiyo, “Bismillaahi, ka hordhici maayo ee adiga (Wariyaha) haddii aan dib kuugu soo celiyo Madaxweynaha iyo Maxkamadaha miyaad xog dhab ah u haysaa inay arrintaasi wad-wadaan…Aniga ma jiraan wax isoo gaadhay”.

Korneyl Caarre waxa kale oo uu diiday inuu jiro xidhiidh uu la leeyahay Soomaaliya iyo Maamul gobolleedkeeda Puntland iyo waliba inuu mustaqbalka ku noqon doono dhulkaasi, “Markaan si cad kuugu jawaabo, Jabhada waxa laga aasaasay Gobolka Sanaag, markaa Aniga oo Somaliland ah ayaan Saldhig weydiistay (Puntland), markaa Xidhiidhka dawladaha ayaa lala sameeyaa markaa waan ka soo guuray oo waxaan joogaa dalkaygii ee maxaan dib ugu laabanayaa waxaan joogaa dalkaygii Hooyo ee aan ku dhashaye,

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply