SOMCABLE

Komiishanka Qaranka Oo Maxkamadda Sare Ka Sugaya Inay Xaliso Muran Ka Dhashay Go’aan Khaldan Oo Ay Saartay 13 Sano Ka Hor

Hargeysa, 30 Abriil, 2018 (Himilo) – Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay Muran ka taagan Cidda buuxinaysa Kursi ka bannaanaaday Golaha Wakiillada, ka dib markii uu Geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in muranka ka taagan Xubinta buuxinaysa Kursiga ka bannaanaaday Golaha Wakiillada oo ay isku haystaan Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees iyo Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid oo u tartamay Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, uu yahay khalad ka dhacay Maxkamadda Sare 2005-tii oo soo saartay liiska kama dambaysta ah ee Xubnihii ku hadhay doorashadii Golaha Wakiillada 2005-tii oo labada Xubnood ee hadda is haystaa ka mid yihiin.

Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo faahfaahinaya sida labada Xubnood u kala Cod badan yihiin iyo Waraaqo ay ay Maxkamadda sare u direen ayaa yidhi “Komiishanku wuxuu dhaxlay Dhukumanti ay 2005-tii isku direen Komiishankii wakhtigaa iyo Maxkamadda sare, kaasi oo Guddoomiyihii Komiishanka ee wakhtigaa oo ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami uu u diray Maxkamadda sare, waxayna ahayd Natiijadii ku meel-gaadhka ahayd..”

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu sheegay in Liiska Kaydka ah ee Musharraxiintii Doorashada Wakiillada ku hadhay uu kaalinta shannaad ku jiro Xuseen Axmed Caydiid, halka Maxamed Muuse Abees oo ka Codad badana uu kaalinta lixaad ku jiro “Natiijadaa ku meel-gaadhka ah oo uu saxeexay Guddoomiyihii Komiishanku ayaa Maxkamaddu u soo rasmiyeysay sidii ay u qornayd, waxaad arkaysaa in Kaalinta shanaad uu ku jiro Xuseen Axmed Caydiid oo uu haysto 3, 981 Cod, Maxamed Muuse Abees-na uu haysto 3,986 Cod, kaalinta lixaadna uu ku jiro, iyaguna sidii bay ku ansixiyeen (Komiishanka)…”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Komiishan ahaan Maxkamadda u gudbiyeen Dhukumanti “Waxay noqotay in Komiishanka hadda jooga iyo Maxkamadda hadda joogtaa ay isku gudbiyaan (Dhukumantiyo), dhukumantigii markaanu u gudbinay waxaanu nidhi Maxkamadeey Adigaa Go’aanka u dambeeya leh oo Waraaqo ayaanu is waydaarsanay, taasina weli way socotaa.”

Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxa uu sheegay in khaladka Maanta jira ee keenay in lagu murmo kursiga Bannaanaaday Golaha Wakiillada ay samaysay Maxkamadda sare “Komiishanku isagoo eegaya Dacwadda labada Xubnood noo soo gudbiyeen iyo qaladkaa 13 sannadood ka hor yimid, eegaya wuxuu la xidhiidhay Maxkamadda..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay hayaan dacwado ay u soo gudbiyeen Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees oo labadooduba 2005-tii Xisbiga KULMIYE ugu tartamay doorashadii 2005-tii, wallow siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid uu wakhtigan ka mid yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI

Leave a Reply