SOMCABLE

Khilaafkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Wakiillada Maraakiibta Berbera Oo Xal Laga Gaadhay & Qiimihii Koontiinarada Oo Hoos Loo Dhigay

Hargeysa, 25 August, 2019 (Himilo)-Shaqo joojintii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku tallaabsadeen Wakiillada Maraakiibta Dekedda Berbera ee ay Albaabada ugu xidheen guud ahaan Xafiisyadii ay ku lahaayeen Magaalada Berbera, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Wasaaradda Ganacsiga ayaa shalay la soo afjaray.

Wakiillada Maraakiibta ayaa hore dadka ganacsatada ah uga qaadi jirey lacag badan, waxaanay dawladdu soo saartay wareegto ah in aanay ka badin lacagta ay qaadaan $85 dollar, hase yeeshee waxay ku doodeen in aanay lacagtaasi ku shaqayn karin, sidaas darteed ay shaqadii ay hayeen joojiyeen, balse xukuumadda ayaa isla markiiba soo saartay amar ah haddii ay 24saacadood gudohood ku furi waayaan xafiisyadooda in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Xafiisyada wakiillada maraakiibta Berbera ayaa wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in mudda ay ku beddelayaan qiimihii hore loo kordhiyo, taas oo loo ogolaaday in sabtidda soo socota qiimaha ay dadka ka qaadi doonaan laga dhigo $85 dollar, muddadaasi la siiyeyna ay nidaamka ay ku shaqayn jireen ku fadhiisiyaan lacagta cusub ee dawladdu go’aamisay taasi oo khasab ku noqotay inay ku qanciyaan Shirkadaha caalamiga ah ee ay wakiillada u yihiin.

Dhaqangalka wareegtada Wasaarada Ganacsiga ayaa fursada ganacsi ama tartan ganacsi u samayn doonta tujaarta doonaysa inay badeecadaha dalka dibidiisa ka keenaan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay in amarkii dawladdu sidaas ku hirgalay, isla markaana hoos loo dhigay qiimihii koontiinarada laga qaadi jirey markii hore, waxaanu yidhi, “Barigii hore ganacsatada waxa laga qaadi jirey haddii uu koontiinar la soo dego iyo haddii uu boqol la soo dego waxa halkii koontiinar loogu dhufan jirey ka labaatanka ah fuudh ah 85 dollar,  haddii uu 40Ft yahayna 155 dollar, haatanse waxa laga qaadayaa haddii uu boqol la yimaado iyo haddii uu toban la yimaada ba 85 dollar oo keliya, markii ay xukuumaddu baadhis ku soo samaysay qiimaha dekadaha kale ee la jaarka ahi qaadaan ayaa la ogaaday in dekadaha jaarka ah laga qaado 85 dollar”. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Shir dheer oo aanu wada galnay waxay aqbaleen inay wakiilladii maraakiibtu hawshaasi fuliyaan, qiimaha la jabiyey waxay tahay mid usoo korodhay shacabka oo ganacsatadu way jabinayaan qiimihii ay wax ku iibin jireen”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland

Ugu dambeyntiina, Xafiisyada wakiillada ayaa go’aankaasi aqbalay oo shaqdii bilaabay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply